Mareykanka oo Xal u Raadinaya Walaaca Heshiiska Iiraan

0
320

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka ayaa la filayaa inuu Axadda soo socota uu booqdo Israa’iil, ka hor intuusan u gudbin Sacuudiga iyo Urdun, intuu ku guda jiro booqashadiisa Bariga dhexe.
Safarkiisa ayaa lagu sheegay inuu yahay mid  lagu soo jiidanaayo dalalka ka xumaaday heshiiskii Iiraan dhowaantan lala saxiixday, kaas oo ku saabsanaa barnaamijkeeda nukliyerka.
Ashton Carter ayaa waxa uu wadahalo laba maalin ah la yeelan doonaa saraakiisha Israa’iil ka hor intuusan la kulmin ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, salaasada soo socota.
Mr Netanyahu ayaa heshiiska Iiran ku tilmaamay Khalad taariikhdu xusi doonto. Waxa uuna ka digay in Iiraan ay awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed ay yeelato.
 
 
 

Leave a Reply