Baadari ku Taliyay in la Cuno Mas Nool

0
309

Baadiri u dhashay dalka Koonfur Afrika oo ku amray jameecadiisa in ay cunaan mas nool isagoo aaminsan in uu la dhadhan yahay shukulaatada ayaa lagu sii daayay damaanad.
Waxaa baraha internetka la soo dhigay sawirada baadarigan oo mas nool afka u galinaya mid ka mid ah xertiisa.
Baadari Penuel Mnguni ayaa shalay la horkeenay maxkamad ku taalla duleedka Pretoria. Waxa uu ku eedaysanyahay in uu si naxariis darro ah ula dhaqmay xayawaan.
Arintan boliiska waxaa ku wargaliyay kuwa u dhaqdhaqaaqa xaquuqda xayawaanada.
Sanadkii la soo dhaafay baadari kale oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa jameecadiisa ku amray in ay cunaan cawska shidaalkana ay cabitaan ka dhigtaan.

Leave a Reply