Madaxii Shirkadda Toshiba oo is casilay

0
320

Madaxa shirkadda weyn ee Toshiba oo ka mid ah shirkaddaha ugu waaweyn dalka Japan, ayaa is casilay kaddib markii uu dusha saartay mas’uuliyada fadeexad dhanka xisaab celinta shirkadda ah.
Madaxa shirkadda Hisao Tanaka, ayaa shir jaraa’id oo ka dhacay xarunta ugu weyn shirkadda Toshiba oo ku taalla caasimadda Tokyo, waxa uu ku xiqiijiyay in uu iscasilay, sidoo kalena waxaa is casilay madax sar sare oo ka tirsanaa shirkadda.
Balse Afhayeen u hadlay dowladda Japan Yoshihidi Suga, oo ku sugnaa shirka jaraa’id ayaa sheegay in arrinkaasi ay ka niyad jabtay dowladda Japan.

Leave a Reply