Kabo Lagu Baafinayo Hal Malyan Oo Doller

0
304

Dunida waxa ka socda arrimo badan oo aanay dadka qaarkood rumaysan Karin, laakiin xaqiiq ahaan ah waxa jira oo dhacaya, maxaa yeelay xaaladaha iyo goobaha lagu kala nool yahay ayaa kala duwan. Sidoo kale waxa kala duwan dhaqanada, akhlaaqda, diinta iyo qiimaynta ay bulshooyinku leeyihiin. Waaxana dhici kara wax aan adiga qiimo badan kula lahayn in meel kale ay yihiin kuwo ay haystaan oo keliya boqorada iyo dadka hantida lihi.
Haddaba Waxa dhowaan la soo bandhiagy in la siinayo qofka ka keen macluumaad dhab ah kabihii casaa ee ay lahayd  gabadhii jilaaga  filimada ee Judi Garlanda , kuwaasi ooo ay xidhnayd markii ay metelaysay filimkii caanka noqday ee Sahar Aws sanadkii 1939.
Kabahan  ayaa laga xaday matxafka Minsoto oo ah gobolkii ay ka dhalasho ahaan ka soo jeeday.
Maamulaha matxafka Jhon Keilsh ayaa sheegay in qiimaha kabahani ay yihiin 1malyuun oo doller, waxaana uu sheegay inay ka sii badan karaan iyagoo gaadhi kara 2 ilaa 3 malyuun.

Leave a Reply