Turkey oo Sheegay in ay Aqoonsadeen Cidda Geysatay Qaraxii Suruc

0
275

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa sheegaya in la aqoonsaday qof looga shakisan yahay in uu ka dambeeyo qaraxii bom ee ka dhacay xadka Turkigu la leeyahay Suuriya.
Qaraxa bom ayaa waxaa ku dhintay sodon iyo laba qof oo ahaa da’yar u ololeyneysay dib u dhiska magaalada Kobani ee Suuriya.
Ra’iisal wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa u sheegay saxafiyiin ka dhawaa magaalada Suruc, oo uu qaraxu ka dhacay in ay jirto suurta galnimo ah in qofka isqarxiyay uu xidhiidh la lahaa kooxda iskugu yeedhay khilaafada islaamiga ee Dacish.
Qaraxa ayaa dhacay maalintii Isniinta iyada oo da’ayarta ku dhimatay ay intooda badan ahaayeen arday ka qaybgalaysay kulan ay uga arrinsanayeen dib u dhiska magaalada Kobani oo ku burburtay dagaalo ka soconayay in muddo ah.
 

Leave a Reply