Xabsiga Guantanamo Bay oo la xirayo

0
405

Aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in uu meel gabo gabo ah marayo qorshihii lagu xiri lahaa xabsiga Cuba ku yaala ee Guantanamo bay.

Xabsiga Guantanamo Bay oo sidoo kale loo yaqaano Gitmo waxaa loo adeegsan jiray in lagu xiro waxa loogu yeero dagaalyahada cadawga ee dagaalada Ciraaq iyo Afghanistan iyada oo aan maxaabiista la maxkamadaynin.
Madaxwayne Obama ayaa amar ku bixiyay in la xiro saldhigaasi maalintiisii koobaad ee uu madaxwayne noqday.
Laakiin aqalka Congress-ka ayaa diiday in maxaabiistaasi loo soo wareejiyo dalka Maraykanka walaac dhanka ammaanka ah oo ay ka qabaan awgeed.
Intaasi wixii ka dambeeyay in badan oo ka mid ah ayaa dib loogu celiyay dalalkii ay asal ahaan uga soo jeedeen inkasta oo wali qaar ka mid ah loo arko in ay halis tahay sii dayntoodu.
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in qorsha lagu xirayo xabsigaasi in uu gabogabo yahay iyada oo la marayo wadiiqo ammaan ah oo masuuliyadi ku jirto intaas kaddibna loo gudbin doono Congress-ka balse wax faahfaahin ah oo kale kama uusan bixin arrintaasi.

Leave a Reply