Giriigga oo meelmariyay isbedello cusub

0
439

Giriiga waxa uu meel mariyay qorsho isbedelo ah oo deen bixiyayaasha caalamiga ah ay ka dalbadeen, si wadahadallada ku saabsan 86 bilyan oo Euro ay dib ugu bilowdaan.

Ra’iisul wasaaraha, Alexis Tsipras, waxa uu ku guuleystay meelmarinta isbedellada bangiyada iyo hannaanka cadaaladda, iyadoo ay taageerayaan mucaaradka.
Waxa uu sheegay heshiiska ay dalalka Yurub ku qasbeen xukuumadda Athens, laakiin waxa ay ku adkeysanayaan in wadada keli ah ee lagu badbaadin karo Giriiga ay tahay in hal lacag oo keli ah ay isticmaalaan.
Iyadoo mucaaradka ay taageereen heshiiska ayaa hadana in kabadan 30 mudane oo xisbigiisa ka tirsan ay diideen isbedellada.
Eva Christofilopoulou, xildhibaan ka mid ah mucaaradka PASOK, waxa ay sheegtay inay waajib tahay in dhinacyada oo dhan ay u midoobaan dalka dartiisa.
Sophia Voultepsi, xildhibaan kaloo ka tirsan xisbiga midigta, waxa ay sheegtay in siyaasiyiinta ay waxkastaa ay sameeyaan si Giriiga uu u helo isticmaalka hal lacag oo keli ah.

Leave a Reply