Dalka Ingiriiska Oo Markii Ugu Horeysay Qof Loo Sameeyey IL Electronic Ah

0
435

Waxa dhowaan lagu guulaystay dalkaasi Ingiriiska in qofkii ugu horeeyey loo sameeyo il Electronic ah, taas oo u shaqaynaysa sida indhaha oo kale, waxa keliyaata ee ay kaga duwan tahayna ay tahay iyada oo caag ah ,sidoo kalena ku samaysan muraayad,halka kuwo kalena ay yihiin kuwo qofka loo gelinaayo,waxaanay ka kooban yihiin laba qaybood.
Qalinkan ayaa waxa sameeyey dhakhtar ku yaala magaalada Manchester oo lagu magcaabo  Manchester Royal Infirmary,kaas oo waday qalinkaasi muddo afar saacadood ah,waxaana ishaasi loo geliyey muwaadin u dhashay dalkaasi Ingiriiska oo da’diisu gaadhayso 80 sanno jir,waxaana hadda la socda xaalada ninkaasi dhakhaatiirtii samaysay qalinkani.
Ishan ninka loo sameeyey ayaa ah nooca lagu xidhay muraayad madow oo loogu talo galay,taas oo diraysa sawiro kala duwan oo hadba waxa uu eegaayo ah,waxaanay si Wireless ah ugu diraysaa fariin qaybta isha kamidka ah ee Retina loo yaqaano.
Waxaana muraayad lasoo bandhigay lana ikhtiraacay bishii May ee sannadkan,iyada oo la sheegay waqtigaasi in dadka indhaha la’ ay  ka caawin doonto aragtida,iyada oo aan noqonayn sidii isha dabiiciga ah laakiin ka caawinaysa waxyaalo badan.
Muraayadan ayaa hadda ku jirta tijaabadii saddexaad,iyada oo dadka loo xidhay uu ninkaasi ugu horeeyey,waxaana la eegayaa sida ay faa’ido u keento.

Leave a Reply