Qaraxii Wershada Fukushima Ee Nuclear-ka Japan Oo Samayn Ku Yeeshay Deegaanka Dabiiciga ah

0
433

Sawiro dhowaan la helay ayaa muujiyey sida ay qaraxii warshada Nuclear-ka ee Fukushima ee dalkaasi Japan samaynta ugu yeeshay degaankaasi,waxaana degaankaasi laga helay dhir badan oo hab aan hore loo arag u baxday.
Dadka degaankaasi ayaa soo bandhigay ubax kamid ah ubaxa dalkaasi aadka looga jecel yahay oo degaankaasi uga baxay siyaabo aan hore loo arag,kaas oo qaybo kamid ahi isku dhegsan yihiin ,halka qaybo kalena dhinacii ubax ee sare uu hoosta marsan yahay.
War qoraal ah oo lagu fidiyey wasaaradda Degaanku bogga ay ku lee dahay Twitter-ka ayaa sidoo kale sawiro kuwaasi lamid ah lagu soo bandhigtay,waxaanay masuuliyiin wasaaradda kamid ahi sheegeen in ubaxyada qaarkood ay lee yihiin afar jiridood oo yar yar,halka ay markii hore ka lahaan jireen hal jirid.
Khubaro kamid ah wasaaradda degaanka dalka Japan oo booqday aagagaasi ayaa sheegay in sababtu tahay qaraxii warshadaasi Fukushima,taas oo keentay dhalan gedi dhinaca unugyada dhirta ah,waxa ay intaasi ku dareen in Radiation kii ka baxay Nuclear-ku uu waxyeelo soo gaadhsiiyey degaanka,taas oo sababtay inay Hormons kii dhirtaasi noqdaan kuwo aan dhamaystirnayn.
Waxaanu muqaalkani u eg yahay sidii dhirtii ka baxday degaana Idaho ee dalkaasi Maraykanka oo uu sidan oo kale Radiation ugu soo fakaday.
Dhacdadan Fukushima ayaa ahayd dhul gariir ka dhacay dalkaasi Japan Bishii March ee sannadkii 2011 –kii,waxaanu sababay inay warshada Nuclear-ka ee halkaasi ku taalaa waxyeelowdo,taas oo suntan wershadaasi in badani dhulka gashay,iyada oo dad badan laga raray degaankaasi,waxaana dadkaasi laga fogeeyey  in ku dhow 3km,waxaanay dadkaasi gaadhayeen 5,800 oo muwaadin.
Waxa sidoo kale lagula taliyey dadka ku nool meelaha u jira 10 km wershadaasi inay halkooda joogaan ,laakin ay daakhadaha guryaha iska xidhaan oo aanay furin.

Leave a Reply