Turkiga oo Duqeeyay Fadhiisimaha IS

0
414

Dagaalka dowladda Turkiga ay kula jirto dagaallamayaasha la baxay dowladda Islaamka iyo maleeshiyada Kurdiga ayaa haatan yeeshay dhawr waji.
Markii ugu horeysay, ayaa dowladda Turkigu waxa ay diyaaradaheeda milatari dagaal ka dhan ah ku qaadeen kuwa la baxay dowladda Islaamka ee waqooyiga Suuriya, kaddib markii askari Turki ah lagu dilay xadka uu la leeyahay Suuriya. Balse Turkigu waxa uu xoojiyay in diyaaradahiisa dagaalka aysan hawada Suuriya duqeyn ka geysan. Taasi oo ay sameeyaan isbaheysiga Mareykanka.
 
Waxaana haatan Turkigu u ogolaaday Mareykanka in uu isticmaalo saldhigiisa cirka ee Incirlik ee koonfurta dalkaasi, si uu uga billaabo duqeyma cirka ah uu u geysanayo kuwa la baxay dowladda Islaamka Suuriya iyo tan Ciraaq.
Saraakiisha Mareykankuna waxa ay sheegayaan in arrinkani yahay isbadal, taasi oo u ogolaan doonta in diyaaradaha Mareykanka ay si deg deg ah kuwa la baxay dowladda Islaamka u duqeeyaan. Isla markaana, Turkiga ayaa waxa uu ka bilaabaya baadhitaano xaafadaha dalkaasi. Ciidamada ammaanka ee Turkiga ayaa weerar ku galay boqolaal guri oo dalkaasi ah, iyaga oo soo xidhay inka badan 250 qof oo looga shakiyay in ay xirrir la lahaayeen kuwa la baxay dowladda Islaamka iyo dhaqdhaqaaqa maleeshiyada Kurdiga ee Pkk, kuwaasi oo dowladda Turkigu ku tilmaanto in ay yhiin argagixiso.
 

Leave a Reply