Madaxweyne Obama oo Socdaal Laba Cisho ah ku Tegay Kiiniya

0
365

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ka degay  xalay fiidkii magaalada Nairobi, halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho laba maalmood qaadan doonto.
Obama ayaa Nairobi uga qeybgalaya shirka caalamiga ah ee hal abuurka ganacsiga.
Waa booqashadii ugu horaysay oo isaga oo madaxweyne ah uu ku tago Kenya oo aabihii ka soo jeedo.
Inta uu booqashada ku joogo waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxweynaha  Kenya Uhuru Kenyatta iyo saraakiil sare oo kale.
Waxa kale oo uu sheegay  socdaalkiisan  Kenya iyo ka daba yaal ee uu ku tegayo  Ethiopia in ay muujinayaan ballanka Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada Bariga Afrika.
 
Madaxweyne Obama dayaarada uu la socdey oo  ciidanka cirku leeyahay ayaa soo caga dhigatay madaarka caalamiga ah ee Neyroobi siddeedii iyo toban daqiiqo waqtiga  bariga afrika ( 17:10 GMT).
Waxa si diiran u qaabilay madaxweyne  Kenyatta,waxaana aad loo adkeeyay
ammaanka magaalada Nairobi.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka qeybgalaya wadahadallo ku saabsan ganacsiga, maalgashiga iyo sida oo kale amniga iyo ka hor tagga argagixisada.
Mr Obama  waxa kale oo uu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay  ee Mareykan ah ee khudbad u jeediya Midowga Afrika marka uu u socdaalo Axada Itoobiya.
Dadka Kenya ayaa si weyn ugu diyaargaroobay soo dhaweynta Obama oo ay sheegeen inuu yahay wiilkoodii oo dib ugu soo noqday dalkiisii.

Leave a Reply