Boorame Oo Laga Mastaafuriyay Lixdan Qoys Oo Shisheeye Ah

0
440

Boorama (Dawan)- Taliyaha laanta Socdaalka Gobolka Awdal kabtan  Axmed Ismaaciil Ibraahin ayaa shalay ka Mastaafuriyay Magaalada Boorama dad Itoobiyaan ah oo iskugu jira Tahriibayaal iyo kuwo uu ku sheegay inay qabaan Xanuunada kala duwan ee faafa oo ay ka qaadi karaan  bulshada ay la noolyiyiin.
Dadkan la mastaafuriyay oo ay tiradoodu dhamayd 60 qoys ayaa waxa uu taliyaha laanta socdaalka ee Gobolka Awdal Kabtan Axmed Ismaaciil Ibraahinm ka waramay sababta ay u cuskadeen mastaafurintooda waxana uu yidhi “Annaga oo tixraacayna hadalkii ka soo yeedhay taliyaha Waaxda Socdaalka ee Somaliland, iyo amarkii uu hore u bixiyay, waxa aan soo ururinay dadkan Itoobiyaanka ah oo dhan 60 qoys oo isugu jira dumar, caruur iyo rag, tan kale ee muhiimka ah, anaga oo kaashanayna saraakiisha caafimaadka ayaa dadkan aan maanta mastaafurinayno, waxa ku jira dad xanuunsanaya oo la qorsheeyay in bulshada laga badbaadiyo, sidaas ayaanan u qaadanay go’aankaas oo aan dadkan uga saaraynaa dalka.”
Taliyaha oo wax laga waydiiyay in dhinaca kale ee xadka ay isku ogyihiin xad ka talaabinta dadkan ayaa waxa uu yidhi “Haa waan isla soconaa, oo horeba waa loo mastaafuriyay, waxanan ku wareejindoonaa Saraakiisha dhigayaga ah ee Ethiopia marka aan gayno Awbare.”
Si kastaba ha ahaatee, baabuur ay leeyihiin ciidamada amniga iyo kuwa laanta Socdaalka Somaliland ee gobolka Awdal ayaa shalay dadkan lagaga daadgureeyay Boorama iyada oo isla barqonimadii shalayba la geeyay magaalada Awbare ee dalka Ethiopia.

By: Maxamed Cawaale  Daahir

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply