Dawlad Aan Ogolayn In Dumar Ku Nolaado Dhulka Ay Ka Taliso

0
408

Kitaabka uu qoray Sh.Maxamed Kaamil C/Samad ee lagu magacaabo “Qaraa’ib al-muctaqadaat”  Aaminaadda Yaabka leh ayuu  ku qoray inuu mar kasta oo uu safaro dunida galo uu arko arrimo yaab leh.  Waxaana uu sheegay inuu arkay dawlad iskeed u taagan oo aan ogolayn inay dhulka ay ka taliso ku noolaan wax dumar ahi. Qoraaga ayaa sheegay in isxukunkaasi dhulkeedu dhan yahay 40 Mayl, waxaana uu ku yaalla buuralayda Athos ee dhow Giriigga.
Dawladdan ayay ku nool yihiin oo keliya wadaado madahabta fog ee kiristaanka ee Ortodogs.
Haysta. Waxaana buuga ku qoran in wadaadani ay diidan yihiin in deegaanka ay ka taliyaan ay yimaaddan wax dumar ah. Waxa kale oo ay u diidaan xataa xayawaanada dhediga ahi inay yimaadaan. Sababta ay sidan u yeelayaan ayaa ah iyagoo aaminsan in dhulka ay ku fadhiyo xukunkoodu uu yahay dhul dahiran oo ay martay Nebi Ciise hooyadii Maryama Bintu Cimraan. Waxaana loo aaminsan yahay wadaadan  kuwo dhulkooda iyagu ka taliya oo la mid ah Vatican-ka.

Leave a Reply