Maraykanka Oo Ku Fikiray Inuu Dayaxa Qarxin karo

0
530

Maraykanka ayaa dadaal u galay inuu isku dayo inuu qarxin karo Dayaxa wakhtigii dagaalka qabow, taasi oo uu doonayay inuu kaga hormaro isla markaana uu cabsi ku rido dawladii Ruushka ee tartanka hawada sare kula jirtay.
Sida laga helay mashruuc la qarinyay muddoo 45 sano ah, kaasi oo sheegay inuu jiray mashruuca lagu magacaabo “ Safarada waxbarasho ee cilmiga dayaxa”.
 
Wargeyska Independent oo soo xiganayay wargeyska sun ee Ingriiska ayaa daabacay in madaxda ciidamada Maraykanku ay samaynayeen talaabooyin qarsoodi ah oo ah hubka nucliyerka ah hawada sare lagu sii daayo kaasi oo socon doono kun mayl oo hawada sare ama Dayaxa.
Waxaana warbixintu cadaysay in sayanisyahada samaynayay isku raaceen in qunbuladu aanay  noqon Haydarojin si aanay u cuslaan. Saynis yahanka physicist Leonard Revel oo isna qayb ka ahaa mashruucan ayaa sheegay in iftiinka ka dhasha qaraxaasi uu cabsi iyo argagax ku abuuri doono Ruushka wakhtigaasi, ka dib markii uu Ruushku ku guulaystay in hawad sare u diro Dayax gacmeed.
Saynis yahanka xidigiska ah ee astronomer Carl Sagan kana mid ah kuwa ugu caansana cilmiga hawada sare ayaa isna mashruuc lug laha. Isagoo u waramaya barnaamijka caanka ah ee lagu magacaabo Cosmos kana baxa TV ayuu sheegay in xisaabta lagu darsaday haddii uu fashilmo cabsida aduunka ku dhici karta ama haddii uu guulaysto oo Dayaxu burburo sida ay uu noqon karo falaadhihiisu iyo shucaaciisu mid saamayn xun ku yeesha dunida.
 
Arrimhaasi oo dhan ayaa noqday ayuu yidhi kuwo aan jawaab waafiya loo helin oo aan la garan Karin haddii Nucliyer hawada sare loo rido waxa ka soo bixi kara ee ay noqon karto natiijadu.  Awoodaha aadamiga ee kibirka iyo tartanku ku jiro ma noqon karaan kuwo wax ka bedela sida uu Allah (sw) u abuuray adduunka.

Leave a Reply