Shan Sarkaal Oo Ka Dareeray Xisbiga WADDANI 48-kii Saacadood Ee u Dambeeyay

0
346

Hargeysa (Dawan)-Waxa 48-kii saacadood ee la soo dhaafay xisbiga WADDANI iska casilay shan  xubnood oo ka mid ahaa saraakiisha xisbigaasi, kuwaasi oo  saluugay siyaasad xumadda Hooggaanka WADDANI oo talladii xisbigaasi ku soo ururtay gacanta dhawr xubnood oo isku raas ah.
Masuuliyiinta is casilay waxay iscasilaadoodu ka turjumaysaa sida hungada siyaasadeed ee soo food saartay Hoggaanka sare ee WADDANI, waxaanay kala ahaayeen Aamaal Yuusuf Cabdi oo ah Af-hayeenkii garabka haweenka heer qaran ee xisbiga waddani, Iyo Aamina Jirde Faarax oo ah Gudoomiyihii abaabulka iyo wacyi galinta Xisbigaa Ee Gobalka Maroodi Jeex  oo ay weheliyaan  Xasan Axmed Muuse (Xasan goodaad) oo ahaa  Xog-hayaha Xanaanada Xoolaha ee WADDANI , Fanaanadda Sahra Halgan iyo   Mushtaaq Ibraahim oo oo ah xog-hayaha Cadaalada Garabka ayaa shir jaraa’id oo ay Hargeysa ku qabteen waxa ay kaga hadleen is casilaadooda.
Ugu Horeyn xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee WADDANi Xasan Goodaad oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi  “Waxaan   halkan idiinka caddaynayaa in aan iska casilay xilkii aan ka hayay xisbiga Waddani oo ahaa xog-hayihii Xanaanada xoolaha iyo xubinimadii xisbigaba intaa ayaan halkan ka caddaynayaa, Xisbiga anigaa  imi cidi imay keenin cidi imay qasbin maantana anigaa  ka tagay .”
Sido Kale waxa iyana halkaasi ka hadashay Mushtaaq Ibraahim oo ahayd  xog-hayaha Cadaalada Garabka Haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani “Waxaan u imi in aan ka shaaciyo mawqifka halkan u imi waxaan   sheegayaa in aan iska casilay xilkii aan ka hayay xisbiga Waddani oo ahaa xog-hayaha cadaalada ee xisbiga Waddani kolay aniga  ayuun baa xisbiga imi markaan imaanayay  imikan anigaa  ka tagay.”
Fanaanada weyn ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) ayaa iyaduna war-saxaafeed kooban oo ay soo saartay waxay ku shaacisay inay ka baxday xisbiga WADDANI, waxaanay ku tidhi qoraalkeeda sidan:-“Anigoo Ah Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) waxaan oo  25/07/2015 halkan ku cadaynayaa in aan gebi ahaanba iska casilay xubinnimadii iyo ka mid ahaansihii xisbiga WADDANI.
 
 
WAxaan halkan ku caddaynayaa in is casilaadaydu ay ku qotonto arrimo shaqsi ah oo aniga ii gaar ah isla markaana aan doonayo in aan ka madax banaanaado arrimaha siyaasadda iyo hawlaha xisbiga.Allaa Mahad leh.”
 
 
 
Af-hayeenkii garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani   Amaal Yuusuf Cabdi, ayaa sido kale iyana shaaca ka qaaday in ay iska casishay xilkii ay ka haysay xisbigaas, waxayna tidhi “Aniga oo ah Amaal Yuusuf,  kana mida masuuliyiinta xisbiga Waddani xilkayguna  ahaa  af hayeenka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga Waddani waxaan gartay anigoo  maanakayga iyo miyirkaygaba  qaba in aan iska casilay xisbigii Waddani ee aan ku jiray, sababo la xidhiidha danahayga gaarka ah.
Waayo taageerayaashaydii iyo cid kasta oo na garab taagnayd markaan waxa aan kula noqdo aan garan waayay ayaan go’aansaday in aan iska casilo gudoomiyaha xisbiga Waddani isaga ayaa sababay  muddo kordhinta la sameeyay iyo dib u dhaca doorashooyinkaba.”
Gudoomiyihii abaabulka iyo wacyi galinta Xisbiga Waddani ee Gobalka Maroodi Jeex Aamina Jirde Faarax, ayaa ku dooday in ay garwaaqsatay inay iska casisho xisbiga Waddani, waxaanay tidhi  “Waxaanu halkan idiinku yeedhnay warbaahinta  inaan  caddeeyo  inaan iska casilay xilkii aan ka hayay xisbiga Waddani isla markaana aan ka baxay xubinimadii xisbiga.”
Waxa hore uga baxay xisbiga Waddani afar masuul oo hore oo uga baxay xisbigaasi markii ay qawadeen siyaasadda dalabta leh ee Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply