Faadumo Siciid Oo Quus Ka Muujisay Shirka Mucaaridka Uga Socda Hargeysa

0
424

Hargeysa (Dawan):  Shir aanay  u jeedadiisu cadayn  oo muddo laba  maalmood ah huteelka Dalxiis ee magaaladda Hargaysa uga socday  xisbiyadda   WADDANI iyo UCID   ayaa ku soo dhamaaday  natiijo la’aan, isla markaana noqday mid fashilmay.
 
Kadib  markii sida la sheegay  xubnihii kala socday labadda xisbi mucaarid ay isku af-garan waayeen  qodobadii lagaga hadli lahaa shirkaa, oo aanay bulshadu fahmin danta ay ka lahaayeen mucaaridku.
Sida  ay  sheegeen   masuuliyiin ka kala  socday xisbiyadda UCID iyo WADDANI   oo halkaasi ka hadlay  kuwaasi oo quus ka muujiyay awoodda ay leeyihiin xisbiyadda mucaaradku. Waxaanay  ku  Calaacaleen in aanay dalkaba  ka jirin xisbiyo mucaarid ah oo midaysan.
 
Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, oo ka tirsan xisbiga WADDANI  oo  shirkaasi ka hadashay ayaa saluug ka muujisay habsami u socodka shirkaasi waxaana ay tilmaantay in la majaro-habaabiyay ajandihii shirkaasi.
“Nuxurka shirka ma gaadhi karno.  Waayo  cidiba kama hadlayso wixii loo baahnaa, shirka waxaa  loo qabtay waxyaabaha  ina horyaalla,  maxaynu ka qaban karnaa?, lacag in aynaan lahan waynu og-nahay” ayay tidhi Faadumo Siciid.
 
 
Iyadoo hadalkeedda sii wadatayna waxay tidhi  “Su’aasha la is-waydiinayo,  ee la idinka doonayo  in aad keenatan,  waxay tahay  doorashadii way dhici  wayday’e, maxaynu markaa samaynaynaa, haddii   aynu nahay labada xisbi mucaarid. Su’aasha la is-waydiinayaa waa taasi.  Haddii  aynu ku wareegaysano Cagaf-cagaf lama keenin,  oo marba xildhibaan dadka yidhaahdo  aamusa, xaaraan caleeg, dad waaweyn ayaa meesha fadhiya oo sharaf leh,  sidee ayaad  Aamus  u tidhaahdaan.
Dumar sharaf leh,  oo marwooyin ah,  oo Soddoho  ah ayaa meesha fadhiya, dadka Cagaf ka hadlaya  waad u daynaysaan,  annigana ii daa.”
 
Sidoo kale Faadumo Siciid, waxay qirtay in aanay shirkaasi ka soo bixin wax midho-dhal ah oo ay la hor tegi karaan xukuumadda si ay ugula xisaabtamaan, taasi oo muujisay  siyaasad xumadda iyo awood daradda mucaaridka. Iyo sidoo kale sida aanay u lahayn siyaasad cad iyo barnaamij ay bulshadda ku kasban karaa.
Waxaanay ku sifaysay iyadoo tilmaamaysay awoodda iyo siyaasad xumadda mucaaridka in ay la mid yihiin sida Bisado hudheelka raashin u soo doontay, kadibna isku qabsaday raashinkii ay cunayeen.
 
Waxaanay tidhi    “Maxaynu maanta isugu wada nimid,  ee aynu la hortagaynaa xukuumadda oo aynu sheegaynaa?, maxaynu odhanaynaa labadii xisbi qaran way iskugu yimaadeen oo waxaas ayay keeneen.  waxaan idin leeyahay ha ina majarro-habaabinina ama mucaarad sharaf leh aynu noqono oo isku tiirsan,  oo gacmaha is-haysta  aynu noqono oo aynu awoodeena iyo xoogeena muujino, ama aynu meesha ku kala tagno.
Haddii    aynu noqonayno  Bisado maalinba meel la iskugu keenayo, dabadeedna   la kala saarayo,  meesha raashin umaynu iman nin walba gurigiisa raashin ayaa ka bisil.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply