Shirkada Joojisay Dumarka U Sheqeeya Inay Caruur Dhalaan

0
444

Shirkad Chines ah ayaa ku soo rogtay sharci cusub dumarka shaqaalaheeda ah. Shirkadda ayaa ku amartay dumarka xaasaska ah ee u sheqeeya in aan la ogolayn inay uur yeeshaan ilaa ay marka hore ogolaansho ka helaan shirkadda, haddiise ay uur yeeshaan iyagoon shirkadda la socodsiin in la ganaaxi doono. Shirkaddan oo ka shaqaysa dhinaca maaliyadda iyo bixinta daymaha ayaa sheegtay in gabadha iyadoo shaqada haysa uur yeelata la ganaaxi doono 1000 Yuwan oo ah lacagta Shiinaha una dhiganta $ 161 doller.
 
Warbaahinta Chine ayaa maalintii Jimchii baahisay wararka ka soo baxay shirkadda.  Dad badan oo u dooda xuquuqda ayaa ku tilmaamay inay arintani tahay mid ku xadgudbaysa xaqa ay shaqaaluhu u leeyihiin inay caruur dhalaan iyagoo shaqaynaya lana siiyo fasaxyada uurka iyo dhalmada taasi oo ay shirkaddu aad uga soo horjeedo.
 
Waxa kale oo shirkaddu sheegtay in dumarka u hogaansami waaya sharcigan aanay heli doonin dalacaadda iyo gunyooyinka dheeraad ah ee shirkadda.
Wargeyska afka dawladda ku hadla ee lagu magacaabo China Youth Daily ayaa ku tilmaamay arrin yaab leh isla markaana dhaleeceeyay. Kuna bairay go’aan aanay shikadu ka fiirsan oo iyadoo  dadka ula dhaqamaysa sida qalab oo kale.
 

Leave a Reply