Khudbadii Obama ee Midowga Afrika

0
418

Madaxwayne Obama ayaa u sheegay hogaamiyayaasha Afrika in horumarka qaaradda uu ku xidhan yahay demoqraadiyadda, xornimada iyo xuquuqda aadanaha.
Khudbadiisii ugu horaysay ee uu u jeeddiyo midowga Afrika ee xaruntiisu tahay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa, wuxuu ku sheegay in Afrika aysan gaadhi karin horumar hadii hogaamiyayaasheedu ay diidaan in ay xukunka ka degaan marka xilligoodu dhamaado.
Wuxuu intaas ku daray in marka weriyayaasha la xidhxidho oo ururada bulshada loo hanjabo, markaas demoqraadiyaddu waa magac ee ma aha mid dhab u jirta.
Isagoo soo xiganaya Nelson Mandela, ayaa Mr Obama wuxuu yidhi, “marka aan tixgalinno xornimada kuwa kale, dhamaanteen xor ayaan noqonaynaa”.
Wuxuu kaloo sheegay in muujiyaha kaliya ee ugu wanaagsan ee horumarka uu yahay sida loola dhaqmo dumarka.
Wuxuu kaloo ka digay musuqmaasuqa in uu dhowr bilyan oo doolar lagala baxo qaaradda, lacagtaas ayuu sheegay in loo adeegsan karay dhismaha iskuullo iyo isbitaallo.
Waa qaybtii ugu dambaysay ee safarkiisa oo sidoo kale uu ku soo maray dalka Kenya.
 
 

Leave a Reply