Wiil Qaddaafi Dhalay oo lagu Xukumay Dil

0
393

Maxkamad ku taala dalka Libya, ayaa dil toogasha ah ku xukuntay wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Libya Colonel Qaddaafi, Saif al-Islam, iyo todoba qof oo kale.
Madaxii hore ee mukhaabaraadka, Abdallah al-Senousi, iyo ra’iisul wasaarihii hore Al-Baghdadi al-Mahmudi, ayaa sidoo kale dil lagu xukumay.
Maxkamada ayaa dhowr qof oo kale ku xukuntay xabsi daa’in iyo ilaa shan sano.
In kabadan 30 qof, oo u badan dad aad ugu dhowaa madaxweynihii xilka laga qaaday, ayaa sidoo kale maxkamad la soo taagay.
Waxaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo inay awood u isticmaaleen dad si nabad ah u dibad baxayay xilligii kacdoonka sanadkii 2011-kii.
Saif al-Islam, ayaa fiidiyoow kaga qeybqaatay maxkamada isaga oo jooga magaalada Zintan, halkaas oo ay ku heystaan koox horay mucaarad u ahayd.
Markii Saif Islam la qabsaday, ayaa la sheegay in laga jaray farta suulka ku xigta (murdisada ) oo uu caan ku ahaa inuu dadka ku taago.
 
 
 

Leave a Reply