Maraykanka iyo Turkiga oo u Tashanaya Daacish

0
390

Mareykanka ayaa xaqiijiyay in uu Turkiga wadahadal la leeyahay, sidii uu dalkaasi u xoojin lahaa duqeymaha ka dhanka ah ururka la magac  baxay Khilaafada Islaamka, ee waqooyiga Suuriya.
Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay, in ujeedadu tahay sameynta deegaan ka caagan dagaalyahannada Khilaafada Islaamka, si loo xoojiyo ammaanka soohdinta Turkiga, ayna dib ugu laaban karaan qaxootiga Suuriya.
Mar sii horeysayna, Mareykanka ayaa beeniyay warar sheegaya in uu ogolaaday duqeymaha Turkiga ee uu ku beegsaday xooggaga Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq.
Jabhadda Kurdiyiinta ee PKK, ayaa sheegtay in duqeymaha Turkiga ay yihiin kuwa muujinaya dagaalka ay xukuumadda Ankara ku hayso.
 
 
 

Leave a Reply