Nin u dhashay dalka Ruushka oo beerka uu kaga dhacay xanuunka kansarka ayaa dalka Maraykanka laga siiyay beer loogu deeqay.
Ninkan oo da’diisu tahay 66 jir laguna magacaabo Semein beerka loogu deeqay waxa iska lahaa nin madaw. Laakiin camaliyadda beeridda beerka cusub ayaa markii ay dhamaatay ay soo baxday arrin cusub oo aan hore loo arag, iyadoo ninkan Ruushka ah uu midabka maqaarka jidhkiisu noqday mid madaw ah. Semein wakhtigan caafimaad qabaa waxaana uu sheegay in aanu wax dhibaato ah ku qabin midabkiis cusub ee madawga ah.