Dhibaatada Dhaqaale Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybtii 24-aad

0
322

Qormooyinkeenan taxanaha  ah ee aan siyaabaha kala duwan ugu soo fallan-qeynay dhibaatooyinka dhaqaale iyo sharci darro ee uu ku hayo bulshadda iyo Qarankaba  isticmaalka adeegga ZAAD  oo haba yaraatee aan ku dhaqmin wax xeer  ah noocuu doono ha ahaadee, isla mar ahaantaana u shaqeeya si dabar la’aan ah. Waxaan qormooyinkaa ku soo xusnay in aanu adeegga Zaad waxba ka duwanayn lacagta faalsada ee qof ama kooxi iska soo daabacato, si ay ugu gurtaan hantida shacbiga,sidoo kalana ugu wiiqaan dhaqaalaha dalka.
Sifahaa aan ku soo tilmaanay adeegga Zaad iyo kuwa kale ee la midka ahba, waxa tusaale idin kaga filan lacagtii adkayd ee dalka dibedda innooga iman jirtay ee dadka qurbaha ku nooli u soo diri jireen ehelladooda ku kala nool Gobollada dalka, ayaa haatan la bilaabay in Dollarkii dibedda ay kula hadhaan dibedda  shirkadaha isgaadhsiinta ee kala adeegsada adeegyada E-Dahab iyo Zaad oo ah kan ugu baaxadda weyn xaga isticmaalka lacagaha laysugu diro Telefoonadda gacanta  ama lagu keydsado lacagta, qof kasta oo innaga mid ahna waxa ku soo dhaca telefonkiisa lambar lagu sheegay inay u dhiganto lacagtii loo soo diray. Lambarkaa ayaa kadib bulshadu wax ku kala iibsataa ee ma jirto wax lacag ah oo la kala tirsadaa, wayna yar yihiin dadka diiday lambaradaa akawnnada inay shirkaduhu u furan. Sidoo kale waa tiro aan waxba ka noqonayn markay xisaabta  boqollayda lagu xisaabiyo, ayaa iyaguna kuwa doonaya inay Zaad-ka  wax kaga iibsadaan ku yidhaahda ma lihi, waxayna dareemaan ganacsatada aan Zaad-ka lahayni inaanu soconayn ganacsigoodu haddii aanay iyaguna marin dariiqaa khiyaanada cad ah ee lagu dhacayo shacbiga.
 
Khiyaannada cad ee shaadhka daacadda  loo soo geliyey, waxa si loo hirgeliyo  waqtigii la bilaabayey ay shirkaddii ugu horreysay ee TELESOM bilowday inay samayso kooxo u badan dhallinyarro iyo ganacsato kala duwan oo ka hawlgala sidii ay u socodsiin lahaayeen adeegga Zaad, geesta kalana waxay shirkaddu shaqaalaheeda ugu wada shubtay telefoonnadooda  mushaharooyinkoodii bille, si markaa ay iyaguna qeyb uga noqdaan borobagaandadii hirgelinta adeegga Zaad. Iyadoo cid isweydiisay jirin cidda ka dammaanad  qaadaysa lacagtooda lambarka looga dhigay hadday waayaan meesha ay u raacayaan, ayaa waxa uu mar dembe isku arkay qof kasta oo aan lahayn Zaad inuu yahay mid ka hadhay ilbaxnimadii xagga tiknoolajiyada ee dunidda maanta.
Ololihii qorshaysnaa ee ay Telesom ku qaaday bulshadda reer Somaliland oo ah kuwa ay si fiican u yaqaanaan hab-dhaqankooda hubsiimo la’aanta way ku guulaysteen, si degdeg ahna way ugu hirgashay, waxanu ku socdaa illaa maanta xeer  iyo xisaabtan la’aantii lagu hirgeliyey adeegga Zaad, haseahaatee marka la eego xilligan halka uu inala marayo dhinaca sicir-bararka adeegga Zaad, ayaan ahayn mid lagu sii jiri ama siiba jiri karta, marka laga eego xaalufka uu ku sameeyey dhaqaalihii dalka oo maanta si dhab ah looga dareemo suuqyada magaalooyinka iyo seyladaha wax kala iibsiga.
Sidaa darteed, Baanka Dhexe ee JSL oo ah ka u qaabilsan Qaranka iyo Xukuumaddaba wax ka qabashada arrintan Zaad-ka ee aafaysay dhaqaalihii dalka, ayaa looga baahan inay si xeel-dheer u dhugtaan waxyeellada culus ee la arko dabaysheedii inay ka badheedhaan sidii ay dib ugu soo dabbaali lahaayeen dhabbaha sharciga ee toosan shirkadaha isgaadhsiinta ee ku sugan Somaliland ee ku shaqeysta adeegga lacagta ee lagu isticmaalo telefoonnada gacanta.
Waxa uu hayaa Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland xeerkii uu ku dhiqi lahaa adeegga Zaad iyo kuwa kale ee ay khasabka ku noqotay inay samaystaan si ay ula tartamaan dhiggooda, waxa kaliya ee looga baahan yahayna waa fulin, markaa haddaan wax kale jirin maaha inay ka caga-jiidaan muddada intaa leeg ee ka dembaysay waqtigii la ansixiyey Xeerkii ay ku shaqeyn lahaayeen oo marar badan oo hore sheegeen in aanay hayn xeerkii ay wax kaga qaban lahaayeen hoos u dhaca qiimaha shillinka Somaliland iyo la xisaabtanka cid kasta oo ku lug leh la ganacsiga lacagaha.
 LA  SOCO……………….     

Leave a Reply