Xayawaan yar oo lagu magacaabo Shrimp oo aan lahayn laf dhabar isla markaana ah biyo ku nool ayaa noqday mid laga helo dunida inteeda badan. Laakiin dad badani ma oga in xayawaankan qaarkood ay yihiin dhakhaatiir ilkaha Nibriga dawaysa. Waxa yaab noqotay in Nibriga iyo xataa Kaluunada waaweyn oo ka cabanaya in afkiisa uu jiro xanuun bakteriya ama parasites ay u yimaadaan xayawaanka Shrimp isla markaana uu afka kala qaado, wakhtigaasi ayuu gala Shrimp afka Kaluunkaasi ama Nibrigaasi oo ka soo nadiifiyaa dhamaan bakeetriyada ku jirta afkiisa taasi oo uu sababay cuntada ku hadhay afkiisa.
Xaywaankan yar ayaan ka soo bixin afkooda isagoo dhamaan Bakteeriyada iyo wixi hadhaa raashin ah eek u hadahy ka dhameeya mooyaane.
Xidhiidhka ka dhexeeya labadan xayawaan ayaa amankaag abuuray maxaa yeellay xayawaankan yari ee Jumburi ama Shrimp wuxu raashin ka dhigtaa hadhaaga cuntada ee uu ka helo afka Kaluuknka Nibriga aha, halka isagan xuudkana uu afkiisu mid nadiif ah oo caafimaad qaba u noqonayo isgaoo aan bixin haba yaraatee wax kharash ah.
Xaywaankan ayaa ku nool biyaha badaha addunka tan macaan iyo kuwa dhanaanba. Nin Bad quuse ah oo arinkan uu kuur galay ayaa sheegay inay tani la mid tahay mucijjooyinka badan ee dunida lagu arko.