Cirro Oo Dhako-faar Ka Qaaday Xisbiyahanadii Ka Dareeray WADDANI, Xukuumaddana Kula Gal-gashay Shaqaale Dhimista Xafiiska Midowga Yurub

0
313

Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isku dayay inuu jaanis siyaasadeed ka dhigto xafiiska midowga Yurub oo sababo aan la faah-faahin u yareynaya  shaqaalihii ka hawl-geli jiray xafiiskooda Somaliland. Waxaanu xukuumadda kula gal-gashay eedaymo been abuur ah  oo uu dusha kaga saaray in tallaabadani ka dhalatay siyaasad xumo dawladdu masuuliyadeeda leedahay.
Guddoomiye Cirro  oo hore warbixino qadaf ku ah qaranimadda Somaliland isla markaana uu ku ribaynayo qeybo ka mid ah ciidammadda Booliska Somaliland oo uu ku eedeeyay inay sabab la’aan u waxyeeleeyaan dadweynaha u gudbiyay xafiisyada ha’yadaha  caalamiga ah, ayaa waxa uu bilihii la soo dhaafay dhambaalo basaasnimo ah oo uu ku bahdilayo dawladnimada Somaliland uu u gudbiyay dalal iyo ha’yado ajanabi ah, ayaa haddana xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku eedaynaya inay dhaqankeedu sababay in Ha’yadaha caalamiga ahi ka baxaan Somaliland.
Guddoomiye Cirro waxa uu dhako-faar ka qaaday  masuuliyiin ka tirsanaa xisbigiisa oo ka soo kala jeeday beelaha Somaliland oo  mid-mid muddooyinkii u dambeeyay uga dareerayay xisbiga WADDANI oo ay  ku sifeeyeen xisbi beelleed, ayuu siyaasadiisa dalabta leh, waxaanu xubnihii ka baxay wax ka saaray xukuumadda.
“Waxaad moodaa xukuumada Somaliland in ay gabtay xilkii ummada ka saarnaa, waxay ku mashquushey inay Waddani dadka ka saarto, laakiin maanta waxaad arkaysaan in beeshii caalamku ka baxayso wadankii, Beesha caalamka macaamil baynu lahayn arrintani  waxay ku timid Dublamaasiyad la’aan xukuumadda haysata,”ayuu si cadho leh ugu tiraabay mar uu ka hadlayay shir  jaraa’id oo uu Isniintii ku qabtay xafiiskiisa.
 
 
 
 
“Waxaa xafiiska dalka laga furay 1995-kii oo dalka dagaalo sokeeye ka socdeen oo amni darro jirtay ayay goosteen inay furaan, balse maanta oo dalku 100% amaan yahay waxay u timid bixitaankani  waa xukuumada iyo xidhiidhka caalamiga ah oo aan wanaagsanayn,Tani waa bilow waxaa laga yaabaa inay xafiisyo kale la xidho,”Ayuu  si dheel-dheel ah u yidhi Guddoomiye Cirro.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply