Arday U Dhashay Ruushka Oo Farshaxan Cusub Oo Uu Yeelan Doodo Gaadhi Mustaqbalka Lasoo Saari Doono.

0
282

Wiil yar oo u dhashay wadanka Ruushka kuna jira dugsiga hoose ee dhexe, gaar ahaana fasalka sideedaad ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay farshaxan uu ku sameeyey qaabka uu noqon doono gaadhiga Mustaqbalku.
Ardaygan oo lagu magcaabo Artyom Vasyunyk ayaa nashqadeeyey gaadhigaasi, kaas oo la sheegay in lagu dari karo waxyaalo dheeraada oo hadhowa laga dhigi karo mid qaabka diyaarada loo isticmaali karo dulimaadna samayn kara.
Wiilkan yar ayaa nashqada gaadhigaasi soo saaray isaga oo u isticmaalay qalab saddex dhinacle ah sawirka farshaxankaasi (Three Dimensional),kaas oo usoo bandhigay khubarada dhinaca farsamada gawaadhida sawirkaasi.
Qaabka uu markii hore usoo sawiray wiilku gaadhiga ayaa ahaa mid aan u saamaxayn waxyaalo badan,iyaga khubaradu ku daray qaybo ka dhinaa oo u hirgelinaysa gaadhigaasi inuu duulimaad galo.
Gaadhigan ayaa ku shaqaynaaya mashiin noociisu yahay Naafto,kaas oo xawaarihiisu yahay 170 km/h ,waxaanu ka kici karaa dhulka dherer dhan 200 meters.
Waxaanay sheegeen khubaradu in gaadhigan caawimo weyn ka geysan doono dhinaca amaanka  oo ay ciidamadu u adeegsan doonaan sugidiisa.

Leave a Reply