Wasaaradda Dib U Dejinta Oo Deeq Gaadhsiisay Qoxoontiga Ka Soo Barakacay Yemen

0
362

Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda dib u dejinta Somaliland, ayaa shalay agab iskugu jira weelka cuntada lagu karsado iyo hu’ga la hawdo u qaybiyay dadka qoxoontiga ah ee ka soo barakacay dagaalada ka socda dalka Yemen ee Somaliland ku sugan oo ay ugu tallo galeen inay noloshooda ku kaafiyaan.
Wasiirka wasaarada dib u dejinta Somaliland mudane Cali Sicidi Raygal oo warbaahinta la hadlay waxa uu hay’addaha deeqbixiyayaasha ah iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta ugu baaqay inay wax taraan dadka qoxoontiga ah ee ka soo barakacay dalka Yemen.
“Waxa maanta (shalay) halkan loogu qaybinayaa agabka loogu tallogalay in la huwdo oo la goglado, wax lagu cuno iyo wax lagu karsado dadkii qoxoontiga ah ee Yemeniyiinta ahaa, waana ilaa kun iyo dhawr boqol oo qof, hay’adda UNCHR-baana u keentay agabkan loo qaybinayo iyagana waanu u mahadnaqaynaa, cid kasta oo dadkaa qoxoontiga ah hadday yihiin Yemen, hadday yihiin reer Somaliland  gacan ka geysatay aad baanu ugu mahadnaqaynaa.”
Wasiirku waxa kale oo uu intaa ku daray “Dhamaanba dadka ganacsatada ah, hay’addaha deeqbixiyayaasha ah cid kastaa wixii ay ka geysan karto dadkaa qoxoontiga ah ee Yemeniyiinta ah waa inay ka geysato iyo dadka ree Somaliland ee iyagu muddada dheer ka maqanaa dalka ee soo qaxay ee u baahan inay nolosha la qabsadaan.” ayuu yidhi Wasiirka dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal
Md. Cali Siciid Raygal waxa uu intaas ku daray “Kuwa qoxoontiga ah ee iyaguna barakacayaasha guddaha ah ee abaaruhu soo barakiciyeen ama haddeer ha noqoto ama wakhti hore ha noqotee,  dhamaanba waxaanu ugu baaqaynaa inay dadkaa caawiyaan oo cid waliba wixii ay gacan ka geysan karayso ay ka geysato.”
Sidoo kale Wasiirka dib u dejinta Somaliland waxa uu ganacsatada iyo hay’addaha gargaarka ugu baaqay inay ka qaybqaataan sidii gargaar loogu fidin lahaa dadka ku dhaqan deegaanada abaaruhu ay ku habsadeen, waxaanu yidhi  “Waxa jira abaaro ba’an oo ka jira Somaliland oo u badan dhinaca galbeedka iyo xeebaha, hay’addaha deeqbixiyayaasha ah ee wax caawiya, dadka kale ee muslimiinta ah, ganacsatadatada cid waliba waxa weeyaan inay gacan ka geysato. Dadkaa soo noqon doona hadhow ee magaalooyinka culays ku hayn doona ee Wasaaradd ahaana culayska nagu hayn doona  oo noqon doona dad barakacayaal ah oo guddihii dalka ku soo barakaca, ILAAHAY waxaanu uga baryaynaa inuu raxmada Roobka u shubo, waxaanan leenahay cid kastaa wixii ay u qaban karto ee ay hayso wax ha ugu tarto.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply