Adeegsiga Badan Ee Mobile Ku Waxay Lumisaa Miisaanka Maqalka Dhegaha Iyo Deganaanta Maskaxda

0
662

Daraasad cusub oo ay dhowaan natiijadeeda soo saareen khubaro Saynisyahano ahi ayaa lagu sheegay in isticmaalka badan ee Mobile ku ay lumiso isu dheeli tirnaanta iyo misaanka maqalka dhegta ,iyada oo sidoo kalena meesha ka saarta deganaanta maskaxda qofka.
Radiation ka kazoo baxaaya mobile ka ayay sheegeen khubaradani inay keento inay khal khalaan qaybo badan oo kamida Neurons ka dhegaha iyo maskaxda isku xidhaa ,taas oo sidoo kalena keenta Kansarka ku dhaca dhegaha iyo maskaxda.
Sidoo kale khubaro kale oo ka socotay wadamada Maraykanka iyo Ukraine oo kusoo biiray khubaradan ayaa sheegay in isticmaalka badan ee Mobile-ku inay keento jidhka oo ay ku adkaato inuu soo saaro Oxidation badan oo dhanka hawada ah ,sidoo kale ay dhintaan unugyada jidhka qaar kamid ahi.
Sidoo kale samaynta ay ku yeeshaan Mobiles ku dhegaha marka in badan lagu hadlo ayaa la sheegay inay tahay waxyeelo soo gaadha dhinaca hawada la qaadanaayo,sidoo kalena iyada oo keenta in qofkaasi uu ku dhaco xanuunka loo yaqaano Cancer-ka dhegaha ku dhacaa iyo xanuuno kaleba.
Cilmibaadhistan ayaa sheegay in qofka oo ku hadlay maalin walba in ka badan 20 minutes shan sanno  muddo ah hadday ku gaadho inay dhacayso inuu ku dhaco Cancer ka ku dhaca maskaxdu.
Sidoo kale khubaro kale oo ka socotay wadanka Talyaaniga ayaa sheegay in hadal badan oo lagu sameeyo Mobiles inay keenaan xanuunka dhiig karka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here