Bandhigii Buugaagta Hargeysa Oo La Soo Gabo-gabeeyay

0
312

Hargeysa, (Dawan)- Bandhigga caalamiga ah ee bugaagta Hargeysa oo sannadle ah ayaa habeen hore lagu soo gabo-gabeeyay magaaladda Hargeysa ka dib markii ay lix maalmood ka socotay caasimadda.
 
Bandhigga caalamiga ah ee Bugaagta Hargeysa oo lagu soo bandhiggo bugaag, suugaan iyo qoraallo kala duwan oo ay curiyeen hal-abuurro reer Somaliland ah iyo kuwa ajaanib ahiba, waxa uu muddo todobaad ah ka socday hotel Guuleed ee magaaladda Hargeysa, iyadoo ay kasoo qayb galeen marti ka socotay 14 dal oo adduunka ah.
Sidoo kale bandhigga bugaagta caalamiga ah ee Hargeysa ayaa waxa ka hadla oo lagu casuumaa aqoonyahan, culimo-awdiin, hal-abuurro, qoreyaal iyo xirfadley kale, kuwaasoo dhamaantood soo bandhigga, isla markaana bulshada la wadaagga hibaddooda. Sidoo kale waxa mid ah martida sannadkasta waxqabadkooda dadka la wadaagga naadiyada akhriska ee gobollada Somaliland.
Sannadkan oo ahaa sannadkii uu ugu balaadhnaa bandhigga caalamiga ah ee bugaagta Hargeysa, iyadoo sannad kasta uu dal adduunka ka mid ah martida gaarka ah yahay, sannadkan waxa si gaar ah u casuunnaa waddanka Nayjeeriya oo ay ka kasocdeen caan ka ah dalkaas, isla markaana ay kusoo bandhigeen bugaagtooda iyo qoraalladooda, kuwaasoo ay la wadaagay martidii kale iyo bulshada Somaliland-ba.
Sannad kasta bandhigga caalamiga ah ee bugaagta Hargeysa waxa halku-dheg loo soo qaataa kelmad macno samaynaysa kelmadda sannadkan halku-dhegga loo soo qaatay ayaa ahayd (SPACES), Faalal, Baro, goob, iyo macneyaal kale oo badan ay oo ay aqoonyahankii iyo, hal-abuurkii iyo qoreyaashii bandhigga ka qaybgalay ku sifeeyeen.
Xidhitaankii bandhiggaas oo habeen hore lagu soo gabogabeeyay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa waxa ka qaybgalay wasiirka wasaaradda qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, isla markaana waxa uu ka hadlay muhiimadda bandhiggaasi u leeyahay bulshada Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in la dhiirigeliyo wax akhriska iyo qoraalka.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa farriinta uu xambaarsan yahay bandhigga bugaagta caalamiga ah ee Hargeysa, isla markaana ka turjumaysa horumarka, waxqabadka, nabadgelyada, deganaanshaha iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland u gudbiyay oo kula dardaarmay inay gaadhsiiyaan waddamadii ay ka yimaadeen 14-ka dal ee martida ku ahaa bandhigga bugaagta Hargeysa, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi. “Waxa runtii farxad weyn ah in maanta iyadoo ay inala joogaan 14 dal halkan (bandhigga bugaagta Hargeysa) lagu soo bandhigay bugaagtii iyo qoreyaashii reer Somaliland, taasoo fariin u ah, waxaynu qabsanay, hadday tahay horumarka, nabadgelyada, deganaanshaha, xasiloonida iyo dimuqraadiyada ka hirgeshay dalkeena, waxaanan u mahad-naqayaa martida kasoo qaybgashay bandhiggan ee ka kala yimi dalalka adduunka, waxaan leeyahay waad aragtaan waxay qabsatay iyo halka ay gaadhay, waxaanay u qalantaa inay adduunyada ka hesho ictiraaf buuxa.”
Dhinaca kale, gunaanadkii bandhigga caaalamiga ah ee bugaagta Hargeysa oo ay ka qaybgaleen in ka badan qiyaastiii 5,000 oo qof ayaa waxa lagu soo bandhigay riwaayad ka hadlaysa xaaladda bulsho iyo siyaasaddeed ee dalkeena, taasoo loogu magac-daray BULSHO TOOSAN, MA TAFTAAFO DHANXIIRKU”, isla markaana ay fanaaniintu ay si qoto dheer ugu soo bandhiggeen xaaladda bulsho iyo siyaasaddeed ee maanta Somaliland marayso.
Sidoo kale, gunaanadka waxa qayb ka ahaa fanaaniinta Sahra Ileys, Ruun Xaddi, Ubax Fahmo iyo Maxamed BK oo heeso madadaalo ah ka qaaday madasha.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply