Mashaariic Horumarineed Oo Laga Bilaabay Widh Widh iyo Wefti Caafimaad Oo Gaadhay

0
291

Widhwidh(Dawan):-Xukuumadda Somaliland oo dedaal balaadhan ugu jirta in ay dalka isku wada xidho isla  markaana ahmiyadda ugu wayn siisay wax qabadka adeegyada aasaaska u ah jiritaanka noloshada dadka,ayaa degmada Widhi Widh ee gobolka Buuhoodle waxay ka biawday hir galinta waddo isku xidha Widh Widh iyo Laascaanood,waxaa kale oo isla degmada Widh Widh laga dhisayaa Xarun caafimaad oo gaar u ah dawaynta Cudurka Qaaxada.
Wefti wadajir ah oo ka socda Wasaarada Caafimaadka ee JSL iyo Hay’adda World Vision ayaa shalay gaadhay Magaaladaasi Widhwidh oo masaafo lixdan KM ah dhanka bari ka xigta Magaalada Buuhoodle, iyadoo weftiga Wasaarada Caafimaadka ay ka mid yihiin agaasimayaasha waaxda qaaxada iyo waaxda dhismaha iyadoo uu socdaalkoogu la xidhiidho dhismaha Cisbitaalka TB ee degnada Widhwidh oo ay Xukuumaddu ka dhisayso degmada si dawayn toos ah loogu helo bukaanka qaba cudurka qaaxada looguna baadho.
Maayerka a Degmada Widhwidh  Mirre Kadawe iyo madaxa caafimaadka ee Degmada oo ay wehelinayeen Odayaasha iyo waxgaradka deegaanku ayaa weftiga siiyey warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee Degmada iyo baahiyaha jira, waxayna Wasiirka caafimaadka Dr saleebaan Ciise iyo Guud ahaanba bahda Caafimaad ee Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqeen dadaalkooda ay adeegyada caafimaadka ku wada gaadhsiinayaan Gobolada iyo degmooyinka Dalka.
Agaasimaha waaxada Qaaxada ee wasaaradda caafimaadka Sayid  Ismaaciil oo la hadlay Dadweynaha deegaanka waxa uu ku wargeliyey in dhawaan Magaalada laga dhisi doono Cisbitaalka Qaaxada ama TP-da, isagoo agasimuhu arintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu ku wada soconaa Wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda World Vision, ujeedada socdaalkayaguna waa qiimayn aanu ku samaynayno shan meelood oo Dalka ka mid ah oo laga dhisayo shan xarumood oo Qaaxada lagu daweyn doono, runtiina Degmada Widhwidh oo shanta meelood ka mid ah qiimaynteeda waxaa nagaga filan intii aanu ka aragnay, waxaana nagu xigi doona safar uu wasiirka Caafimaadku idiinku iman doono.”
Xuseen Kurdi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply