Maalin Kasta 2 Saacadod Ayay Timaheeda Nadiifisa

0
285

Gabadh 57 jir ah oo u dhalatay dalka China ayaa dhererka timaheedu gaadhay 2.9 mitir . Gabadhan  oo lagu magcaabo Ni Linmei aya sheegtay in maalin kasta ay ku qaadato muddo laba saacadood ah maydhista iyo nadiifinta timaheedu.
Ni Linmei  oo degen gobolka Taiyuan ayaa la sheegay in muddo 16 sano ah aanay timaheeda waxba ka jarin oo ay ka ilaalisay maqaska iyadoo weliba ku daadashay nadaafadooda si aanay ugu dhalan cayayaanka timaha waxyeelada gaadhsiiya. Waxa kale oo ay sheegtay Ni Linmei  inay timaheeda marin jirtay saliida dabiiciga ah iyo cajiino kale oo aan ahayn kuwa ay ku jiraan kimikalka bixitaanka timaha joojiya ama ku keena dhibaato kale. Waxaana jirta caado ay leeyihiin dhamaan dumarka dalalka bariga Aasiya oo ah inay timaheedu dheeraadaan, iyadoo horena loo shaaciyay inay jirto gabadh timaha dherekeedu uu gaadhayo 15 mitir.

Leave a Reply