Maareye Ku Xigeenka Marsadda Berbera Oo Baabuur Ku Wareejiyay Dekadda Saylac

0
371

Saylac (Dawan)-Maareeye ku xigeenka dakeda Berbera, Abokor  Cumar Jaamac iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa kormeer shaqo ku tegay dekeda magaalada Saylac ee xarunta gobalka Selel. Waxaana Maareeye ku-xigeenka ku soo dhaweeyay degmda Saylac ee gobolka Selel Maamulaha dekeda Saylac Siyaad Daahir Camuud.
Maamule Camuud oo  ku soo dhaweynayay Maareeye ku-xigeenka Dekeda Berbera ayaa yidhi. “waxaan ku soo dhawaynaynaa goobtii shaqada dekada Saylac ay ka socotay, waa goobtii ay maalgaliyeen dhismaheeda xafiiseed, gaadiid iyo habsami u socodka shaqo haday agab tahay iyo hadii farsamo tahayba intaba ay maagalisay dakeda Berbera oo aanu uga mahad naqayno gacan qabashada wayn ee ay noo gaysteen bilowgii shaqada, maareeye ku xigeenka oo kormeerkiisa sanadlaha ahaa u soo baxay si uu u indho indheeyo habsami u socodka howlaha ka socda dekada Saylac”.
Maareeye ku xigeenka dekeda Berbera, Abokor Cumar  Jaamac, ayaa bogaadiyay howl karnimada ay muujiyeen masuuliyiinta dekeda Saylac oo uu ku ammaanay mudadii ay shaqaynayeen waxyaabaha ay qabteen waxaanu ku wareejiyay Gaadhi ay dakeda Berbera ugu deeqday waxaanu yidhi   “waxyaabaha inta badan xafiiskan aanu doonayno inaanu la toosino si ay hore uga siimaraan ayaanu u wadnaa. Gaadhi cusubna waanu wadanay oo dakeda saulac lee dahay oo aanu ku wareejin doono, runtii way shaqeeyeen oo wadinad leh wax soosar u sameeyeen wanay mahadsan yihiin, maalintii ay howsha bilaabeen iyo maanta boqolkiiba boqol 100% ayay kor u kaceen oo horena u socdeen inta hadhayna. Waxaanu rajeynayaa inta hadhayna in reer saylac iyo ganacsatadu ay la qabato”..
Masuuliyiintan ayaa soo kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay dakada Saylac una kuurgalay howlaha ka socda.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply