Wasiirka Beeraha Oo Dhaliilay Beeralayda Degmadda Sheekh

0
294

Sheekh (Dawan)- Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland Maxamed Aw Daahir ayaa Kormreer ku tagay  beeralayda deegaamada hoos yimaada degmada Sheekh. Waxa kormeerkan ku wehlinayay Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha, Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Sheekh,
 
“Halkan waxay ka mid tahay meelaha waraabka, muddo dheer ayaa waxa maqli jiray Calaa-cul oo markaan caruurta ahaa ee secondary-ga  Sheekh  markaan ku jiray, khudrada iyo saladhka halkan halkanaa laga keeni jiray, maanta intii aan waagaa ku maqli jiray in kasta oo aan arraga tallaabo intii ka badan iigama muuqato, markaa cid wax lala qabtaa waxa ugu wanaagsan cida iyada wax qabsatay  ee wax yar ka dhiman yihiin, haddii ALLE yidhaahdo waxaanu ku dedaali doonaa inaanu wax idinla qabano,”ayuu yidhi Wasiirka Beeraha Maxamed Aw-Daahir.
 
 
Waxa kale oo  isna halkaas ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa isna ka hadlay madashaa waxaana uu ka war bixiyey in beerahan muhiimad weyn u leeyihiin wax soo saarka degmada Sheekh “Maanta meeshan aanu joognaa waa Calaa-cule oo aan filayo ilaa iyo 20-Km ay ka xigto dhina galbeedka magaaalada Sheekh, waa deegaan beeralay iyo xoolo dhaqato ah sidaanu la soconana Somaliland dhammaan beeralaydeedu waa xoolo dhaqato,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Beeruhu.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply