Go’aamo Laga Soo Saaray Shir Dhaqameed Lagu Qabtay Labi-sagaalle

0
288

Hargeysa (Dawan): Shir-dhaqameed  ku saabsanaa   ilaalinta  xeerarka dhaqanka  oo muddo  ka socday   deegaanka Labi sagaale oo ka tirsan deegaanka gobolka Maroodi-jeex, ayaa  la  soo gabagabeeyay. Shir-dhaqameedkaasi ayaa intii uu socday waxaa si weyn   loogaga hadlay ilaalinta iyo dhawrista dhaqanka oo ah udub-dhexaadka   iyo  jiritaanka  ummadeed.
 
Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay   madaxdhaqameed, waxgarad , odayaal iyo masuuliyiin heer qaran ah oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE    Jaamac  Maxamuud Cigge (Jaamac-Shabeel), agaasimaha  xanaanada Xoolaha  Jaamac Maxamed Odowaa iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Sucuudiga Axmed Aadan Dagaal.
 
 
Sidoo kale shir-dhaqameedkaasi  ka soo qaby galay Salaadiin, cuqaal, odayaal, aqoonyahan, culimo-awdiin iyo dhalinyaro  iyo marti sharaf kale.
 
waxaanay halkaasi ka soo jeediyeen khudbado kala duwan oo ay kaga hadlayaan ilaalinta dhaqanka, deegaanka, horumarinta arrimaha bulshada, waxbarashada iyo arrimo kale oo muhiim u ah nolosha aadamaha.
 
Suldaan Axmed Cismaan Cadde Gudde oo ka mid ahaa  salaadiinta gebagebadda shirkaasi ka hadlay ayaa ka soo qayb galayaasha ku hambalyeeyay kulankaasi.  Waxaanu  sheegay in uu ku faraxsan yahay  ahmiyadda  ay  leedahay in bulshadda lagu wacyi geliyo ilaalinta dhaqanka iyo deegaanka, horumarinta adeegyada bulshada iyo adkaynta nabadgelyada.
 
Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Danwadaago maanta way guulaysatay ee ILLAAHAY ha u aqbalo, hawsheeni si wacan oo tawfiiq leh ayay u soo gabagabawday, duco iyo karaamo ayayna inoogu soo gabagabawday. Siyaasada haddii laga hadlo dhibteeda iyo kadeedkeeda ayay leedahay, waxaan isku galaynin in dhaqanka dhidibada loo aaso iyo midantii iyo in siyaasad laga wada hadlo ayaan isku galaynin, sidaa darted wallaalayaan waar meel ayaynu isugu tagaynaa oo siyaasada dib ayaa loo naaqishi doonaaye danta reerka aynu meel isugu gayno.”
 
Gabagabadii  shir-dhaqameedkaasi  ayaa laga soo saaray go’aamo door ah oo ay ka mid yihiin Ilaalinta qarannimada Jamhuuriyada Somaliland in ay tahay lagama maarmaan, in ilaalinta degaanku ay tahay waajib saraan muwaadin kasta oo reer Somaliland ah.
 
Waxa kale oo ka mid ahaa go’aamada shirkaasi laga soo saaray in kor loo qaado waxbarashada ubadka yar yare e soo kacaya si loo helo jiil aqoon leh oo doorkooda ka qaadan kara horumarka dalka iyo qaranka. Sidoo kale, go’aamada shirkan laga soo saaray waxaa ka mid ah in ay beeshu si buuxda u taageersan tahay cid kasta oo ku hawlan ama kku dedaalaysa horumarka dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo in sannad kasta la qabto shir noocan oo kale ah.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply