Dhibaatada Dhaqaale Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn

0
313

Qormadeennii hore ee aan ku falan-qeynay sidii ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ugala wareegtay shaqadii ay u hayeen ganacsatadii yar-yarayd ee u iibin jirtay kaadhadhkii ku shubashada, ayaa waxaan akhristayaasha mawduucan ugu soo celinayaa intii ugu dembaysay oo ahayd sidan:
“Ujeeddadii labaad ee Zaad-ka furitaankiisa ay ka lahayd Shirkaddu waxay ahayd, in qof kasta oo moobil leh sim-kaadhkooda  sita, akawn ama xisaab socod lacageedna ka furtay Shirkaddooda uu ka maarmo raadintii iyo iibsigii kaadhadhka ku shubashada, maadaama uu u suurtagelinayo adeeggooda cusub ee ZAAD in qof kasta oo furtay adeeggaasi uu isagu telefonkiisa kaga shuban karo hadba inta  uu doonayo ee awooddiisa oo bilaa xuduud ah oo iyana aafo kale ku ah bulshadda kadib markay shirkaddu go’aansatay in xataa kun shillin lagu hadli karo,taasina waa tallaabo kale oo mafiiqda ay  ku marisay ilaa gunta hoose ee xididdada dhaqaalaha. Qorshahani waxa uu saamaxay in xataa ilaa dad aan awoodin isticmaalkiisa ay qaataan telefoonka gacanta, maadaama ay suurtagal u tahay inay lacagta ugu yar ku shuban karaan si kasta oo ay cidhiidhi ugu tahay.
Haddaba telefoonkan uu qofku iskugu shubayo isagu markuu u baahdo ama ka dhammaato lacagtii isticmaalka ku hadalku, ayaa kow ka ahayd sababihii dad badan ku kallifay inay Telesom ka furtaan adeega Zaad, ka sakaw dadkii ay shaqo tireen ee haddana ay xuquuq la’aanta direen, sidaana ku noqday shaqo laawayaal oo ah ta dhawaan ku soo fool leh sarriflayaasha.”
 
Maanta qormadeenan bal waxaan ku eegi doonaa siyaabaha kala duwan ee ay Shirkaddan lacagta aan xuduudda lahayn ee haddana xirfadaysan uga shubtaan bulshada reer Somaliland ee ay u hayaan darka isgaadhsiinta. Tusaale haddii aan u soo qaadano isticmaalka adeegga Zaad, waxa ay dar fara badan oo u badan kuwa  leh adeegga loo yaqaan [Postpaid] in markay lacag uga dirayaan qof kale oo leh adeegga Zaad aanay wax lacag ah oo dhinaca isgaadhsiinta ah ka jarin lacagta ku hadalka iyo dirista farriimaha ee ku jirta telefoonkiisa gacanta.
 
Haseyeeshee waxa uu qofku si rasmiya u ugaan karaa in adeegga Zaad dirista ay shirkaddu isagana isticmaalkiisu lacag yahay,ka sakow faa’iidooyinka kale ee faraha badan ee Telesom ka heshay adeega Zaad oo marka xaqiiqada lag hadlo uu yahay ka siiyey awoodda badan ee dhaqaale ee ay  dhaqdhaqaaqii  suuqyada dhaqaalaha ee xorta ahaa kula wareegeen. Kadib markay si dadban u soo daabacdeen lacag adag oo faalso ah. Ku darso waliba in dadka badankiisu aanu dareen badan u lahayn inta jeer ee uu maalin kasta asxaabtiisa ama siyaabo kaleba uu dad kala duwan iyo marar kala duwan ugu kala diray lacago yar sida nus dollar ilaa 20 Dollar.
Markay sidaa xisaabtu tahay, isticmaalka maalinle ee adeegga Zaad ee dadkuna sidaa xisaabtan la’aanta ah  uu yahay, saw markaa inooma cadda in lacag aan wax badan ka yarayn tan ku shubashada, in Shirkaddu sidaa kaga urursato shacbiga ku nool Somaliland iyo weliba qeybo kale oo badan oo ah kuwa ku jira xuduudda dalka Itoobiya, iyagoo aan dareensanayn, maadaama ay si fiican mar hore ugu mudday TELESOM  irbadda suuxdinta ee qof kasta ciirada kaga dabooshay inuu indhaha iyo maskaxdaba ka shaqeysiiyo oo uu isbarbar dhigo faa’iidada uu ku qabo isticmaalka adeegga Zaad iyo khasaaraha uu ku keenay dalka iyo dadkaba isticmaalkiisa ama inuu isweydiiyo bal xeerkii kala qaban lahaa dadka iyo Telesom jiritaankiisa, haddii mar uun la waayo adeegga Shirkaddan ee aan sidii Bankiyada oo kale u isticmaalno.
Geesta kale dad badan oo ka mid ah kuwa sida aadka ugu hadla Telefoonka gacanta [Mobile] ayaa waxay sheegaan in waqtigii ay jireen kaadhadhkii ku shubashada ee dadku ka iibsan jireen meelihii yaryaraa ee ka ganacsiga Kaadhadhkaasi, ay si aad ah xagga waqtiga ku hadalka ee Mobil-ka uga badnaayeen haddii ay noqoto  halka Dollar ee ku shubashadii kaadhadhka ama ka badanba qaabkan dembe ee  ku shubashadii Mobilka laga dhigay in Zaad-ka loo adeegsado. Qolyo u kuur galay arrintan ayaa iyagu aaminsan in halkii Dollar ee kaadhka ahaa uu hadda markii  Zaad-ka lagaaga  soo shubo amase aad kaagaba kaga shubato uu u dhigmo nus Dollar.
 
 
LA SOCO…………..

Leave a Reply