Waxyaabaha Uu Kalluunku Kaga Duwan Yahay Hilibka Cas

0
303

Cuntada badda iyo hilibka xooluhu waxay qani ku yihiin barotiino, kuwaasoo u wanaagsan caafimaadka jidhka, sidoo kale waxay leeyihiin fiitamiino iyo macdano ka caawiya jidhku inuu helo nafaqooyinka uu u baahan yahay.
Cuntooyinkaas kala duwan ee  badda iyo xooluhu waxay leeyihiin dux,
Duxda: Cuntada baddu waxay leedahay xaddi aad u badan oo ah dux jidhka u wanaagsan, duxdaas oo kor u qaada hanaanka wareegga dhiiga, isla markaana hoos u dhiigaa heerka subagga dhiigga iyo weliba khatarta xanuunnada wadnaha.
Warbixinno laga qoray hanaanka ay caafimaadka ugu fiican tahay cuntada baddu ayaa sheegaya in kalluunka nooca loo yaqaan Salmon ay ku jirta 5.5 garaam oo dux ah  80% duxdaas waxay u wanaagsan tahay caafimaadka wadnaha. Sidoo kale nooca loo yaqaan sirloin, waxa ku jira in ka badan 8 garaam oo dux ah, taasoo guud ahaan jidhku u baahan yahay.
Barotiinno: Qofku wuxuu u baahan yahay barotiinno ay u dhismaan murqaha jidhku, laakiin sidoo kale waxay u shaqaysaa ama caawisaa tamarta jidhku u baahan yahay, marka kaarboonhaydaraytka iyo duxdu ay jidhka ku yar yiihiin
Cuntada badda iyo hilibka cas ama hilibka xooluhu waxay ka siman yihiin barotiinno badan oo uu jidhku u baahan yahay.
Hilibka casi waxa uu leeyahay xaddi badan oo bir ah (Iron), halka ay birtaasi ku tahay cuntada badda.
Birta ama iron-ta waa qayb ka mid ah macdanaha raaca ogsajiinta ka timaada wadnaha ee gasha dhamaan unugyada.
Raggu waxay u baahan yihiin 8 milli garaam of oo bir ah maalin kasta, halka dmarku u baahan yihiin inay helaan 18 milli garaam oo bir ah maalintii.
Fiitamiin B-12: Fiitamiin B-12 wuxuu door muhiim ah ka ciyaara hanaanka cunto burburinta iyo samaysanka dhiig cusub, kaasoo si fudud ula fal-galaya unugyada jidhka, isla markaana si fiican uga shaqaysiinaya neerfaha.
Qofku wuxuu u baahan yahay 2.4 micro garaam oo fiitamiin B-12 maalintii, sida ay sheegeen xafiiska ilaalinta hanaanka cunto qaadashada oo ku yaalla dalka Mareykanka.
 

Leave a Reply