Wax Ka Baro Madax Xanuunka Qaybihiisa Astaamihiisa Q1aad

0
997

Madax xanuun waa xanuun madaxa kaa qabta. Waxaa jira noocyo kala duwan iyo sababo madax xanuun.
Madax Xanuunka Sanqaroorka (Sinus Headache)
Madax xanuunka sanqaroorku wuxuu sababaa xanuun madaxa iyo wejiga ah.
Xanuunka waxaa keena barar ka jira marinnada sanqaroorka ee ku yaalla daamanka, sanka iyo indhaha. Xanuunku wuxuu ugu sii daran yahay marka horey loo foorarsado iyo marka ugu horreysa ee subixii la kacayo. Waxaa laga yaabaa in sanka dareere kaa socdo ama cunuhu ku xanuuno.
Madax xanuunka Dhafoorka iyo Qadaadka (Tension Headache)
Madax xanuunka niyad kaca (Dhafoorka) waxaa keena kacsanaanta muruq madaxa iyo qoorta ku jira.
Calaamadaha madaxa xanuunka niyad kaca waxaa ka mid ah xanuun ku garaacaya oo damman ama joogto ah ee indhaha dushooda iyo dhinaca danbe ee madaxa.
Xanuunku waxaa laga yaabaa in kuu faafo madaxa oo dhan ama uu u gudbo qoorta iyo garbaha. Murqaha meelahaas ku jira ayaa laga yaabaa in ay dareemaan giigsanaan.
Madax Xanuunka aadka u Daran ee Goonjabka (Migraine Headache)
Madax xanuunka aadka u daran waxaa keena bararka marinnada dhiigga ee maskaxda ku jira.
Waxyaabaha laga yaabo in ay kiciyaan madax xanuunka daran waxaa ka mid ah:

  1. Iftiin aad u birqaya ama biligleynaya, dhawaaq sare ama ur xooggan
  2. Cuntooyinka qaarkood ama cabitaannada sida:
  • Farmaajo adag
  • Hilibka qasacadaha ku jira qaar ka mid ah
  • Rootiga qamadiga ama miraha leh “gluten”
  • Waxyaabaha cuntada lagu daro sida macaaneeyeyaasha macmalka ah
  • Kafeyiinta ku jirta qaxwada, shaaha, cabitaannada fudud, iyo shukulaatada
  • cabitaanada aalkolada
  1. Isbeddellada ku yimaada cimilada ama cadaadiska hawada
  2. Indhaha oo aad u daala
  3. Hormone haweenka jidhkooda isku dhex beddela sida waqtiga caadada bishiiba marka ah
  4. Daawooyinka sida kaniinyada dhalmada lagu koontaroolo
  5. Hurdo xad dhaaf ah ama hurdo kugu filan waayidda
  6. Ka boodidda cuntooyin ama cunto cunid la’aanta waqti dheer
  7. Sigaar cabidda ama la joogidda qof sigaar cabba
  8. Stress-ka

Laso qaybaha danbe
Xigasho: SomaliDoc
 
 

Leave a Reply