Xisbiyadda UCID Iyo KULMIYE Oo Caddeeyay In Ay Ku Qancayaan Go’aanka Maxkamadda Sare Ka Soo Saarayso Sharciyadda Muddo Kordhintii Iyo WADDANI Oo Ka War-wareegay Inuu Aqbalayo

0
295

Hargeysa (Dawan)- Labada xisbi qaran ee KULMIYE  iyo UCID ayaa caddeeyay inay ku qancayaan go’aanka maxkamadda sare ka soo saarto murankii ka dhashay muddo kordhintii ay golaha guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo Golaha Wakiillada ee madaxweynuhu u gudbiyay inay tafsiir ku samayso go’aankii aqalka odayaasha, halka xisbiga Waddani ka war-wareegay inuu ayidayo go’aanka ay maxkamadda sare gaadho.
 
Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee  KULMIYE UCID iyo WADDANI, Muuse BIixi Cabdi, Faysal Cali Waraabe  iyo C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro)  oo Suxufiga ruug-cadaaga ah ee  Faysal Maxamed Cabdi (Faysal Fadh-fadhle) oo ka tirsan Telefishanka Universal uu u qabtay dood la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo siday u qabsoomi karaan doorashooyinka madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda.  Waxaanu ugu horeyn weydiiyay saddexda Guddoomiye siday u arkaan qoraalka madaxweynuhu u gudbiyay Maxkamadda sare iyo inay aqbalayaan natiijadda ka soo baxda maxkamadda dastuuriga ah.
 
 
 
 
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE  Muuse BIixi oo ka hadlayay arrintaasi waxa uu yidhi
“Maxkamadda sare go’aankeeda waanu aqbalaynaa KULMIYE  ahaan cid walbana waa ku khasab inuu aqbalo maxkamadda sare, lagamana war-wareegi karo, waana dastuuri meel looga war-wareego ma leh, in badan ayaan ku dedaalnay in xal siyaasiya aanu gaadhno oo aanaan maxkamadda  isla gaadhin oo 90 cisho muddo ku siman in aanu maxkamad isla tagno annaga way nagu adkayd, in badana waan ku dedaalnay in aanu xal ku qancino golaha guurtida, laakiin way ka fursan wayday markii Golaha Guurtidu Mowqifkoodii ku adkaysteen, waxay noqotay in maxkamaddda sare loo gudbiyo.”
 
Guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxamaan Maxamed C/laahi Cirro oo isagana la waydiiyay inuu ku qancayo go’aanka ay maxkamada sare ka gaadho arrimaha doorashooyinka iyo muddo kordhintii golaha guurtidu u sameeyay xukuumada iyo wakiilada ayaan caddayn  inuu ku qancayo waxaanu   yidhi  “Qoraalka loo gudbiyay waan taageersan nahay waana ka dhursugaynaa go’aanka maxkamadda habeenkii aanu saxeexnay heshiiskii saddexda xisbi qaran guurtidu may qarsan inay ku adkaysanayaan muddo kordhintii ay sameeyeen markaa waxa aan is leeyahay xal loo baahnaa ayuu ahaa in la sameeyo maanta ka hor.”
 
Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa oo isaguna sheegay inuu ku qancayo go’aanka ay maxkamadda sare ka soo saarto mawduucan waxaanu  yidhi “Maxkamadda sare waa Maxkamaddii   2003-dii 80 cod ee KULMIYE ku waayay ka gar qaaday ee la ogolaaday, markaa maxakamadi hadday wax goyso haddii aad neceb tahay iyo haddii aad jeceshahay-ba waa in aad ixtiraamto.”
 
Sidoo kale hgoaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran ayaa wax laga waydiiyay dejinta xeerka doorashadda Golaha Wakiiladda ee horyaala aqalkaasi  oo ay ku xidhan tahay qabsoomida doorashooyinku.
 
Muuse Biixi oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Saamiga kuraasta Golaha Wakiiladda barigii hore dadku wuu is maqlayay, damacan badan ee nin waliba kursi doonayo  may jirin, markaa 60 kii ayaa loo qeybiyay gobollada kuraasta golaha wakiiladda, waxaana ay ahayd in mar qudha la isticmaalo, haddana way faro badan yihiin dhibaatooyinka ina hor-yaalaa, waana arrinta  innoogu adag saami qabsigu, qof walibana dhinac ayuu ka eegayaa, markaa waa hawl badan oo is qancin iyo dhinacyo badan in laga eego u baahan.”
 
C/raxmaan Cirro oo isaguna xeerka doorashadda golaha wakiilada wax laga waydiiyay ayaa waxa uu  yidhi “Xeerka doorashadda Golaha Wakiiladdu wuu hor yaalaa golaha, waana laga doodayaa, waxaana ay u taallaa golaha waxyaabo ku xidhanina way jiraan, ama saami qaybsi ha noqoto ama wax kale, markaa waxa ay ila tahay 82 kursi ayaynu haysanaa, xalka ugu fiicanina waxa uu noqon karaa in kii hore la isku qanciyo oo 82 xubnood laga dhigo, laakiin go’aan kama gaadhi karo anigu.”
 
Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna aragtidiisa ka dhiibtay dejinta xeerka doorashadda golaha wakiilada waxaanu  yidhi “Xeerka doorashadda Golaha Wakiiladu waa waxyaabihii qabyada ahaa waana in dadka la qanciyo in aan xeerka la samayn waana arrimaha  u  baahan in lays dul taago maxaa 82 xubnood innagu xukumay.”
Khadar M. Cismaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply