Ka Dadka Ugu Khayr Badani Waa Kan Ugu Waxtarka Badan

0
468

Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi Waxa la isoo diray si aan u dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan”. Dhaqanka wanaagsani waxa uu ku xidhan yahay iimaanka laftiisa hadii uu dhaqankaagu xumaado iimaankaaguna wuu daciifaya taasina waxa inoo cadeeyay xadiiska Rasuulka (scw) ee ku yidhi:  “Illaahay baan ku dhaartee imuu rumayn, illaahay baanu ku dhaartee imuu rumayn, Rasuulkii illaahayow waa kuma kaasi? Waxa uu yidhi kii aan dhibaatadiisa ka nabad gelin jaarkiisa”. Waana dhibaato dhaqan xumo oo jaarka loo geysto.
Nebiga (scw) ayaa loo sheegay gabadh tukata oo soonta oo cibaado badan laakiin aan jaarkeeda nabad gelin, Nebigu (scw) waxa u sheegay in gabadhaasi naarta gelayso, waxa kaloo loo sheegay gabadh cibaadadeedu kooban tahay laakiin jaarkeeda si fiican uga nabad gelay waxaana uu yidhi Rasuulku (scw) “Gabadhaasi janada ayay gelaysaa”.
Dhaqanka wanaagsan iyo iimaanku makala hadhaan, Iimaanka waxa ugu hooseeyaa waa wadada oo laga qaado wixii dhibaya bulshada. Qofkuna waa inuu noqdaa mid bulshada wanaag iyo khayr u leh, laakiin aan dhib iyo akhlaaq xumo la dhex joogin.

Leave a Reply