Gabadh Naafo Ah Oo Noqotay Farshaxanad Caan Ah

0
329

Dadka leh hadafka cad iyo go’aanka adag waxba uma arkaan in jidhkooda qaybo muhiim ahi ay maqan yihiin , kumana celceliyaan waxaan ahay naafo, laakiin waxay bilaabaan inay samaystaan hadaf  cad oo ay kaga baxaan dhibaatada nolosha ka haysata.
Gabadh lagu magacaabo Suly Sanguino oo 24 jir ah una dhalatay dalka Colombia ayaa ahayd gabadh naafo ah labada gacmood iyo labada lugoodba ay ka maqan yihiin iyadoo sidaasina ku dhalatay dhakhaatiirta ayaa hooyadeed u sheegay in aanay jirin wax loo qaban karaa ayna sidaasi nolosheed ku dhamaysan doonto.
 
Suly waxay bilowday inay barato farshaxnka sawirada iyadoo adeegsanaysa afkeeda oo ay qalinka ku qabsan jirtay.
Waxayna noqotay ardayad si fudud u sawiri karta wixii ay rabto, ilaa ay maclimad ku noqotay. Waxaana ay maanta ka mid tahay dadka dalkaasi ugu caansan ee sameeya sawirada farshaxnka. Shaqadaasi ayay reerkooda oo ah faqiir ahaa kaga saartay baahida. Waxaana maanta ay ka mid dadka dunida caanka ah ee noloshooda wax ka bedelay iyagoo naafo ah.

Leave a Reply