Wuxu ahaa hantiile weyn oo ay adag tahay in laga fisho inuu noqdo sabool. Wakhtigan waa nin miskiin oo seexda dariiqyada Newyork isagoon mararka qaarkood haysan xataa barkimo. William Preston wuxu ahaa qoraa iyo ganacsade Maraykan wuxuuna sanadadii sideetanaadkii ahaa dadka hantida leh ee caanka ah waxaan uu ahaa qoraaga filimkii The wolf of wall street. Wuxu jeclaa inuu saamiyo ku yeesho baananka iyo shirkadaha.
Wargeyska Newyork Post ayaa soo bandhigay ninkan oo noqday nin faqiir ah oo jiifa dariiqyada magaalada isagoo barkan shandadii ay ugu jireen alaabadiisu. Waxaana la sheegay inuu ahaa nin aad u isticmaala mukaadaraadka isla marakaana dhex galay ka ganacsigooda ilaa uu gaadhay in dhamaan hantidiisii aya u ku baaba’do oo uu isu rogo nin faqiir oo baahan oo aan xataa guri hoydo lahayn.