Magaalada Monemvasia oo ka mid Jasiiradda Laconia waxay ku taalla dalka Giriiga, waa magaalo aan wax badan la ogayn xadaaradda ay lahayd. Waxay ku fadhidaa dhul qiyaas ahaan dhan 300 mt, balaadh ahaan iyadoo dherekeedana lagu qiyaasay hal kiiloomitir.
Waxay tusaale cad u tahay dhaxalka saqaafaddii ay lahaayeen Bisidiiniyiinta iyo Cumaaniyiiitii gacanta ku hayay wakhtiyo kala duwan.
Magaaladan ayaa biyaha badda ka saraysa 100 mitr. Waxay leedahay dhismayaal dhagax ka samaysan, qalcado qadiim ah iyo dariiqyo qurux badan. Waxaana magaaladani ay burburtay ka dib markii qarnigii 14 uu ka dhacay dhulgariir aad u baaxad weyn oo magaaladaasi ka dhigay mid baab’aday. Waxaana magaalaadaasi dhinacyada ka xidhay dhagaxantii buuraha u dhowaa ee dhul gariirku soo daadiyay. Magaaladan ayaa lagu gaadhi karaa iyadoo dhinaca badda la maro keliya, mana laha wadooyin beriga ku xidha.