Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta iyo horumarinta ayaa beeniyay khilaaf la sheegay in uu u dhexeeyo isaga iyo wasiirka wasaaradaasi Dr. Sacad Cali Shire. Waxaanu been abuur ku tilmaamay warar arrintaasi ku saabsan oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahintu.
Cabdirashiid Axmed Guuleed oo shalay xafiiskiis kula hadlay saxaafada, ayaa sheegay in warkaasi lagu sheegay khilaafka isaga iyo wasiirku in uu yahay mid mala-awaal, isla markaana wax ka jiraa aanay jirin.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wax ka jiraa ma jirto waxaa laga qoray wasaarada qorshanta, waxay og-yihiina ma jiraan. Waxaan leeyahay dadka waxan qoray waa ma hubsadeyaal, sababtoo ah wasaarada qorshaynta qaranku waa wasaarad wada shaqaysa, aniga iyo wasiirkana wax naga dhexaaya oo dhibaato ah ma jirto, wasiirkana ilaa maalintii aan imid ilaa hada si fiican ayaanu u wada shaqaynaa” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda qorshayntu.
Wasiirka xidhiidh wanaagsan oo wada shaqayn ah ayaanu leenahay, xilalkayagana waanu u madax banaannahay. Waxa uu iga hayaana ma jirto, wax isaga aan ka hayaana majirto, wada shaqayn fiicana way naga dhaxaysa, hogaankayagana weeyaan.
Markaa waxaan u sheegayaa dadweynaha in aan la khaldin oo been loo sheegin, saxaafadana meel yaan lagaga dhicin. Waayo saxaafadda waxaa loogu tala galay inay wax wanaagsan u sheegto dadka oo ay tilmamto, oo wax xaqiiqa ah sheegto, markaa waxaan leeyahay waxyaabahaas oo kale ka waantooba, waa ceeb, ha ka hadlina wax aydaan hubin”.
Dhinaca kale Cabdirashiid Axmed Guuleed, waxa uu ka waramay qorsheyaasha iyo shamaariicda horumarineed ay wasaarada qorshayntu ka wado guud ahaan gobalada dalka, waxaanu tilmaamay in ay si weyn ugu hawlan yihiin wax walba oo uu qaranku leeyahay si looga soo saaro baahida qaranku uu leeyahay .
“Waaxda qorshaynta oo lagu qorsheeyo wax walba oo uu qaranku leeyahay si looga soo saaro baahida qaranku leeyahay, waxyaabaha la taaban karo imika waxa ka mid ah jidadka, waad aragteen sida loo qurxiyey ama loo hagaajiyey ayaa ka mid ah. Markaa waxaanu soo saarnaa baahida jirta iyo mudnaanta jirta, wasaaradu waa wasaarad sidaa u dhaqan oo u socota waad arkaysaan sida ay u kortay, gobolada waxaanu ku leenahay xafiisyo” ayuu yidhi agaasimuhu.
By:Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office