Falastiini Cuntada ka Soomanaa 60 Cisho oo Miyir doorsoomay

0
287

Maxbuus Falastiini ah oo ku jiray xabsi Israel, kaasi oo cuntada ka soonnaa ku dhawaad lixdan maalmood ayaa miyirbeelay.
Muxamad Allaan ayaa cabashada xadhigiisa u diiday inuu wax cuno, wuxuuna xidhnaa sagaal bilood iyadoo aan wax eed ah lagu soo oogin.
Allaan oo lala xidhiidhinayo kooxda xagjiriinta ee Islamic Jihad ayaa lagu xidhay qalabka lagu neefsado ee isbitaalka. Waxayna ku baaqeen shaqaalaha xuquuqda aadanaha ee Falastiin tallaabo deg deg ah oo lagu badbaadinayo noloshiisa.
Shaqaalaha xabsiga Israel ayaa lagu soo warramayaa inay beeniyeen codsi lagu sii deynayo oo la xidhiidha caafimaadkiisa oo sii xumaanaya.
 
 
 
 

Leave a Reply