Khubarrada Caafimaadka Oo Soo Saaray Qalab Dumarku Kula Socon Karaan Ilmaha Caloosha Ku Jira

0
285

Kooxo dhinaca caafimaadka ah ,gaar ahaana Engineers ah ayaa markii ugu horeysay ku guulaystay sameecado (Headphones) ay u bixiyeen Yono, kuwaas oo ka caawinaaya dumarka inay ka caawin karaa xiliga ay uurka lee yihiin hadba xaalada ilmuhu siday tahaya,sidoo kale sameecadahan ayaa leh qaybo kale oo ka caawin kara inay gabadhu ogaato in ay uur lee dahay iyo in kale.
Qalabkan ayaa dumarku dhegaha gashanayaan ,kadibna ay ka ogaanayaan xaalada ilmaha caloosha ku jira,sidoo kalena waxa ay halkaasi ka ogaan karaan waqtiyada ay uurka yeelan karaan iyo inay uur lee dahay labadaba,waxaanay khubaradani sheegeen in qalabkani fududaynaayo qalabkii waaweynaa ee la dhigi jiray cisbitaalada lagulana socon jiray xaalada uurka ee dumarka.
Khubaradan ayaa sheegay in qalabkani yahay mid aan wax dhib ah lahayn,kaas oo gabadha ka furanaaya inay marwalba dhakhtarka tagto ,waxa ay ka helaysaana uu noqonaayo war saxa.
Qalabkan Yono ayaa ah sidoo kale mid marwalba la soconaaya heer kulka jidhka ee dumarka uurka leh ,isaga oo sheegaaya hadba halka uu maraayo,sidoo kale waxa uu cabiri karaa qalabkani heer kulka jidhka in ka badan 70 jeer habeen walba.
Qalabkan ayaa lagu talo jiraa in si toosa loogu xidho Mobile ka iyada oo loo samaynaayo Bluetooth,kaas oo mar walba ay raguna xaalada xaasaskooda halkaasi kala socon karaan.
Qalabkan waxa ikhtiraacday gabadh lagu magcaabo Vanessa Xi ,taas oo ka qalin jebisay jaamacadda Stanford University,waxaanay qalabkan ikhtiraacday kadib markii uu dhakhtarkeedu ku amray inay jidhkeeda cabirto heer kulkiisa malin walba,iyada oo sheegtay inay arrintasi tahay mid adag.
Qalabkan ayaa suuqa soo gelaaya 19 bisha September ee sannadkan,waxaana iibinaaya oo soo saaraaya shirkadda lagu magcaabo Kickstarter.
 
 
 
 

Leave a Reply