Mareykanka oo Dib u furay Safaaradiisa Kuuba

0
306

Mareykanka ayaa dib u furay safaaradiisa magaalada caasimada Kuuba ee Havana.
Safaradda ayaa xidhneyd in ka badan 50 sano kaddib markii uu diblomaasiyiinta kala baxay markii uu halka sare joogay dagaalkii qaboobaa.
Saddex hore oo ka mid ahaa ciidamada badda Mareykanka oo markii hore calanka dhismaha safaaradda hoos u dhigay sanadkii 1961dii, ayaa hadana dib u saaray iyadoo astaanta qaranka Mareykanka la garaacayo.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa sheegay inay waqti dhab oo taariikhi tahay, oo isku keenay labo qaran oo aan cadow isu sii ahaan doonin, oo daris ah.
In xidhiidhka diblomaasiyadeed uu caadi ku soo laabto, kaasi oo burburay markii uu yimid xisbigii shuuciyadda ee Fidel Castro, ayey bishii december ku heshiiyeen madaxweyne Obama iyo dhigiisa Raul Castro.
 

Leave a Reply