Hantiile ku nool dalka China ayaa kiraystay afar nin oo ku burburiya gaadhi qurux badan oo uu ka iibsaday Macarad ku yaal gobolka Shandong ee dalkaasi magaalada badhtamaheeda. Ninkan oo gaadhiga la siiyay lacag dhan 240 kun doller, isagoo noociisu ahaa baabuurta raaxada ee Almazerati.
Hantiilahan ayaa arinkan uga jeeday inuu ku mudahaarado wakiilka shirkaadda ee gobolkaasi kaasi oo ay is fahmi waayeen ka dib markii uu iibsaday gaadhiga.
Hantiilahan ayaa sheegay in adeegyo uu qaban lahaa ka dib iibka gaadhiga uu wakiilku ka baxay sidaas darteedna uu tusayo bulshada nooca macaamilada xun ee shirkadda.
Dad badan ayuu ku soo ururay markii gaadhiga kooxdani burburinaysay iyagoo daawanayay qaarkoodna sawiro ka qaadanayay. Shirkadda gaadhiga iibisay aya falka hantiilahani ku kacay aad uga xumaatay.