Faa’iidada Iyo Waxtarka Qolofta Beedka

0
586

Marka aad isticmaasho beedka mar kasta miyaad tuurtaa qoloftiisa? Waxase laga yaaba markaad akhrido mawduucan in aanad mar danbe ku ridin xashiishka.
Dad badan ayaan ogayn in qolofta beedka ay 90% tahay kaalsiyam saafi ah, kaasi oo la mid ah kan ay ka samaysan yihii lafaha iyo ilkuhu.  Waxa kale oo qoloftan ku jira macdano kale oo muhiim ah sida birta, manganese, Fosfaras, Zink, Copper, Chromium iyo molybdenum.  Haddab sidee ayaad qolofta beedka ugaga faa’iidaysan caafimaadkaaga?  Kaalshiyamka ku jira qolofta beedka wuxu xoojinayaa awoodda iyo xooga lafaha, waxaana uu ka caawinayaa in dhuuxa lafuhu soo saaraan dhiig saafi ah, waxaana uu ka ilaaliyaa lafaha inay jilcaan, waxa kale oo uu yareeyaa nisbada jidhka ee Cholesterol iyo cadaadiska dhiiga.
Haddaba si aad u gaadho faa’iidooyinkan oo dhan isticmaal 5 xabo oo beed ah qoloftooda oo ku daraya 3 litir oo biyo ah kuna rid talaajad muddo wiig ah ilaa uu ku milmo qolfku biyahaasi , waxa kale oo aad ku dari kartaa liin yar si ay dhadhan ugu samayso. Ka dibna waxaad cabi kartaa koob ama saddex koob maalin kasta.
Waxa kale oo lagu dari karaa caano kulul kuwaasi oo iyan lagu daweeyo boogaha caloosha iyo ilaalinta habdhiska dheefshiidka. Mar kasta oo aad u baahato Kaalshiyam ogow qolofta beedku waa halka ugu muhiimsan ee u wanaagsan jidhka aadamiga.
(Wargeyska Alqudus Alcarabi/ London)
 

Leave a Reply