Madaxweyne Erdogan oo ku Baaqay Doorasho Cusub

0
338

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in doorasha guud oo si degdeg ah lagu qabanayo ay ka dhacayso dalkaasi kowda bisha Nofeembar.
Tallaabadan ayaa imanaysa kaddib markii xisbiga Mr Erdogan ee AK uu ku lumiyay inta badan kuraastii baarlamaanka doorashadii dhacday bishii Juun, wadahadala loogu tala galay in lagu dhiso dowladd isbahaysi oo lala wadaago xisbiyada kale ayaanan suura gelin.
Madaxweynaha ayaa diiday eedo ah in uu yareystay sidii lagu dhisi lahaa dadaalada isbahaysi, si uu u qasbo in ay dhacaan doorasho cusub.
Hadda waxa uu u sheegayaa Ra’iisul wasaarihiisa, Ahmet Davutoglu, in uu soo dhiso maamul ku meel gaadh ah oo sii haya dalka ilaa loo dareerayo codbixinta bisha Nofeembar.
 
 
 

Leave a Reply