Xukuumadda oo Ka Hadashay Taakulooyin Ay Gaadh Siinayaan Dadka Abaaruhu Tabaaleeyeen

0
287

Hargeysa(Dawan)- Guddidii uu dhawaan uu madaxweynaha Somaliland u magacaabay la abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka oo ay weheliyaan wefti ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo waddanka ku sugan ayaa shaaca qaaday inay dhawaan qaybin doonaan wixii taakulo ah ee loogu talo-galay dadka ay  abaaruhu saameeyeen  ee gobollada galbeedka iyo waqooyiga dalka. 
Jumca khamiis oo hogaaminayey waftiga ka socday waddanka Imaaraadka Carabta gaar ahaan hay’adda khayriga ah ee Al-khaliifa Foundation ayaa sheegay inuu soo diray madaxweynaha dawladda Imaaraadka Carabta  Khaliifa Binu Saayid Al-nahyaan, si ay u soo indha-indheeyaan xaalada abaaraha iyo saamaynta ay dadka  ku yeelatay  masuulkan ayaa ugu horeyn u mahadnaqay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxweyne ku-xigeenka sida wanaagsan ee ay dalka ugu soo dhaweeyeen,  Jumca Khamiis ayaa sidoo kale sheegay inay soo kormeereen meelo ka mid ah dhulka ay abaaruhu saamayeen halkaasoo ay ku soo arkeen saamaynta xun ee ay abaaruhu ku yeesheen deegannadaas,  waxaanu si rasmi ah u shaaciyey in si dhakhso ah dadkaasi taakulo loola gaadhi doono haddii Illaahay yidhaahdo iyaga oo iska kaashanaya guddida abaaraha u xilsaaran.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah guddoomiyaha guddida loo xilsaaray abaaraha ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan weftiga ka socda dawladda Imaaraadka Carabta  ee sida dhakhsaha ah uga soo jawaabay baaqii madaxweynaha qaranka, kaasoo ahaa in la taakuleeyo dadka ay abaaruhu saameyeen, madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka dhawaajiyey in  sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabi doono qaybinta gargaarka loo qorsheeyey dadka ay baaruhu wax yeeleeyeen.
Waxa kale oo u sheegay in loo kala horeysiin doono qaybinta gargaarka  sida loo kala daran yahay ee abaartu u kala saamaysay dadka iyo xoolahaba.
Gobollada galbeedka iyo waqooyiga dalka ee abaartu saamaysay ayaa waxa hore gargaarkii ugu horeeyey gaadhsiisay xukuumadda Somaliland iyadoo u sii marisay guddida abaaraha oo iyana ku sii wareejiyey guddoomiyeyaasha gobollada abaartu ka jirto, ka dibna waxa dalka soo gaadhay weftigan ka socda Imaaraadka Carabta oo baaqii madaxweynuhu diray ka soo jawaabay wefti balaadhan u soo diray dalka, weftigaasi oo uu soo dhaweeyey wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta oo isagu muddooyinkii u dambeeyey ka shaqaysiiyey xafiiskii uu ku lahaa Imaaraadka xidhiidh wanaagsana uu u bilowday isaga iyo dawladda Imaaraadka Carabta weftiyadii kala duwanaa ee dalka soo gaadhayna uu dalka kusoo dhaweeyay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply