Dowladda Talyaaniga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ka waday xeebaha Liibiya hawlgallo lagu badbaadinayo muhaajiriinta naftooda ku soo biimeynaya badda Mediterranean. Waxa ay sheegayaan in hawlgalkii badbaadinta ee ciidanku uu sameeyey Axadii uu ahaa kii ugu weynaa in muddo ah.
Sanadkan 2015- ka ayaa in ka badan 100,000 kun oo muhaajiriin ah ay naftooda ku soo biimeeyeen badda Mediterranean kuwaasoo soo gaadhay dalka Talyaaniga soona maray safar watay silic iyo saxariir badan.
Sidoo kale isla sanadkan ayaa muhaajiriin ka badan 2,300 ay ku geeriyoodeen badda Mediterranean xilli ay doonayeen in soo tiigsadaan qaaradda Yurub balse naftooda ku waayey.